HomeDooni Sida 222 Qof Oo Qaxoonti Reer Yemen Ah Oo Soo...

Dooni Sida 222 Qof Oo Qaxoonti Reer Yemen Ah Oo Soo Gaadhay Dekeda Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera, (SLpost)- Dekeda magaalada Berbera ayaa waxa galabta soo gaadhay doon siday 222 qof oo qaxoonti ah, kuwaasoo ah dad Soomaali kazoo qaxay dagaalada dalka Yemen.

Doontan oo lagu magacaabo Nasrullah ayaa qaxoontiga kazoo qaaday dekeda Mukha ee dalka Yemen, waxaana magaalada Berbera ku qaabilay maamulka gobolka iyo degmada iyo hay’addaha caafimaadka iyo kuwa samo-falka.

“Doontani waxay ka timi dekeda Mukha waxay soo socdeen laba habeen iyo laba maalmood, dad badan ayaa saran oo gaadhaya 222 qof, waxaanay u badan yihiin carruur iyo dumar, waxa kale oo ku jira shan qof oo Itoobiyaan ah iyo ilaa 20 qof Yemeniyiin ah.” sidaa waxa yidhi maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor-xoor oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay dadkaas qaxoontiga ah ee doonidu siday guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin xukuumad ahaan inay dadkaas tabaalaysan taakuleeyaan oo ay qabtaan wixii karaankooda, iyagoo la kaashanaya hay’addaha qaxoontiga iyo kuwa ka shaqeeya caafimaadka.

Doonidan maanta ku soo xidhatay dekeda Berbera ee siday dadka qaxoontiga ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee sida dad qaxoonti ah, isla markaana soo gaadha dekedaas.

 

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories