HomeDoodda Xeerka Cashuur-kordhinta ah ee Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada oo Xumaddeedu...

Doodda Xeerka Cashuur-kordhinta ah ee Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada oo Xumaddeedu Sababtay inay Is-Faro-saaraan Mudaneyaasha Mucaaradka iyo Kuwa Muxaafadku

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalintii saddexaad Ku Guddo jira Dooda Xeerka Horumarinta Waddooyinka oo uu dhawaan Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland hor keenay, kaas oo xambaarsan cashuur-kordhin xukuumaddu dabada ka riixayso.

Mudaneyaasha Golahaasi ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan xeerkan, waxaanay u qaybsameen laba garab oo qaarood si ah uga soo horjeedaan ansixin xeerkan iyo kuwo u sacabbo tumayay ansixinta xeerkan, taas oo sababtay gacan-ka hadal maanta dhexmaray labada mudane oo ka kala tirsan garabyada Baarlamanka.

Gacan ka hadalkan oo dhex maray Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo si aad ah uga soo horjeeda Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo cashuuro xad dhaaf ah lagu saarayo gaadiidka kala duwan iyo xoolaha laga dhoofiyo dalka iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye isla markaasna ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha bulshada ee Golahaas oo taageeraya ansixinta Xeerkaas.

labada xildhibanXildhibaan Buubaa ayaa intii uu ku gudo jiray doodda Xeerkaasi dhawr jeer magac dhabay Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo uu sheegay in uu xeerkaasi wato, taas oo sababtay in Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe uu isna xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa dhowr Ka dhex galayay doodda isaga oo weedho ku tuur-tuurayay.

Markii uu xildhibaan Buubaa soo dhammaystay Dooddiisa una soo holladay inuu Kursigiisa soo fadhiisto, ayaa waxa meel kursigii uu fadhiyay ka soo ruqaansaday xildhibaan Kijaandhe, waxaanu u soo jihaystay dhinacii uu ka xigay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, halkaas oo ay isku weydaarsadaan gacmo-tuur-tuur iyo is-gordaafayn dhexmartay. Isla markiiba waxa labda mudane kala gaadhay xildhibaannadii golaha oo gurmad ka dib ku guulaystay inay kala furdaamiyaan labada xildhibaan ee is-gacan saaray oo da’ ahaan aan isku ged ahayn, mana jiro wax khasaare oo labadooda soo kala gaadhay.

xildhibaanGuddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo fadhigaasi shir-guddoominayay ayaa amar ku bixiyay in dibadda looga saaro fadhiga labada mudane ee uu gacan ka-hadalku dhex maray, waxaanay dhacdadani noqonaysaa tii u horeysay nooceeda ee dhexmarta mudaneyaasha Golaha Wakiillada muddadii ay jirtay xukuumada Madaweyne Siilaanyo, waxaanay bedka soo dhigtay kala fogaanshiyaha wakhtigan soo kala dhexgalay xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee uu guddoomiyaha u yahay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories