HomeDOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH - Qormada 3aad ~ Qalinka: Axmed...

DOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH – Qormada 3aad ~ Qalinka: Axmed Cisman Batuun

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankQormadii Labaad waxaynu soo tilmaanay bilawgii dugsiyada gaarka ah iyo xiligii ay dalka ka bilaabmeen, qormadana waxaynu kusii amba qaadi doonaa sidii ay usoo butaaceen.

Ku-sinNaan sanNadihii 2000, waxaa la arkay meelo badan oo ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka oo laga furayo dugsiyadan oo u kala baxa Hoose/Dhexe/Sare iyo qaybo la sheego in lagu barbaariyo carruurta da’doodu hoosayso (KG). Waqtigan waxay dadka usoo tafaxaytay ka ganacsiga aqoontu si toosa u bilaabeen bililiqaysiga barayaasha dugsiyada dawladda oo aan hore usoo xusnay sida loo afduubi jiray, waxaanay fadhatadu gaadhay waqtiyadii danbe in xataa ardayda la arko inay ku fiicanyihiin waxbarashada ee dhigta dugsiyada dawladda ay u yeedhaan ama waalidkood u ballan-qaadaan in bilaash wax lagu barayo loonasoo wareejiyo hadba dugsiga codsada ee gaarka ah; arrintan oo ah nooc cusub oo xayaysiis ah sirta ku jirtaana ahayd inuu dugsigaasi kaalmo fiican ka galo imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka isla markaana ay waalidku ubadkooda keenaan dugsigaasi. Waxa tan garab socotay inay isku dayaan dugsiyada gaarka ahi inay faragaliyaan ama helaan xogo ku saabsan imtixaanada dawladda ee shahaadiga ah waqtiyada la qaadayo taasoo ka mid ahayd edeb-darrada ay soo kordhiyeen kooxaha iskuulada u furtay inay dadka danyarta ah si arxan-daran ugaga furtaan shilimaadka ay haystaan iyagoo filaya in ubadkooda si wacan wax loogu dhigayo.

Waxaa xasuusin mudan in qiimayno kala duwan oo aanu ka helnay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin macalimiin dhiga dugsiyadani ay sheegayso aqoon ahaan ilaa waqtigan la joogo inay ka dhisanyihiin ardayda dugsiyada dawladda dhigataa kuwa kale ee jooga dugsiyada gaarka ah oo ay kuwa dawladu horreeyaan gaar ahaan dugsiyada sare.

Inagoo haddaba aan soo koobi karin dhibaatooyinka iyo hagardaamada ay la timid tacliinta gacanta u gashay dad aan lexejeclo badan ka qabin danyartooda iyo aqoonta jiilka soo kacaya, laakiin u go’ay inay ka shaqaystaan umaddan, sidoo kalana la odhan karo uma dhama dhaliilaha aynu soo xusnay ee waxaa jiri kara qaar wax badan ku taray kor u qaadka waxbarashada dalkan una hoggaansan shuruucda dalka, ayaa waxaynu isdul-taagi doonaa cabashooyinka xad dhaafay ee ay ka qabaan inta badan waalidiinta ay ubadkoodu dhigtaan dugsiyadan.

Waxaannu idiin soo gudbin doonaa dhacdooyin loo sameeyay tixraacyo badan oo laga qoray macalimiin iyo maamuleyaal ka ruqsaystay shaqada dugsiyada gaarka ah kuwaasoo soo bandhigay ceebaha iyo hagardaamooyinka ganacsatada waxbarashada waddanka. Sidoo kale waxaanu idiin soo gudbin doonaa waxyaalaha caawiyay inay hadba sida ay doonaan u dhaqmaan dugsiyadani. Sidoo kale waxaad arki doontaan Abwaanno magac ku leh goleyaasha iyo fagaareyaasha bulshada oo si dheelitiran uga hadlaya ceebaha dul hoganaya inta badan goobaha waxbarasho ee aanay dawladdu maamulin, kuwaas oo laga ururiyay intii ay socotay xog-ururinta ku saabsan ganacsiga waxbarashadu taasoo qaadatay waqti dheer.

Sidoo kale waxaad filataan waxa ay isku difaacayaan dugsiyadani.

La soco qaybta Afraad ee qormooyinkan oo la baahiyay sanadkii 2016-kii waqtigana dib loo baahinayo.

QALINKA:Axmed Cisman Batuun.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories