HomeDOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH ~ Q:2aad - Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

DOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH ~ Q:2aad – Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankQormadii koobaad ee taxanahan waxaynu kusoo aragnay guudmar kooban oo ku sabsan taariikhda waxbarashada dalka iyo bilawgii dugsiyada gaarka ah iyo sidii ay u kobcayeen ee ay maalinba talaabo u qaadayeen,maantana halkii ayaynu kasii amba qaadiye dugsiyada gaarka loo leeyahay waqtiyadan aan soo sheegnay waxay ahaayeen kuwo aad u kooban isla markaana aan la fahamsanayn muhiimada ay u leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka sidoo kale macalimiinta waqtigan dalka ku sugnaa ee la odhan karo wadanka waxay kalasoo dabaasheen xilli adag waxay ahaayeen qaar ku kooban intooda badani bixinta duruusta iyo dhisidda dugsiyada dawlada manay jirin macalimiin badan oo wax ka dhiga dugsiyada gaarka ah iyadoo marmar ay saacadaha fasaxa sida galabtii tagi jireen dugsiyadan gaarka loo leeyahay.
Waqtigaasi wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee imika wuxuu magaceedu ahaa mid kulmiya WAXBARASHADA,BARBAARINTA,DHALINYARADA IYO CIYAARAHA,waxaana muuqatay in hawlqabadka wasaaradaasi ahaa mid la dareemayo siduu kor ugu socdo.
Aynu ku laabanee muddo kooban ka dib waxaa dalka ka bilaabmay tartan loogu jiro hirgalinta dugsiyada aanay maamulin wasaaradu kuwaasoo magaalooyinka waawayn ee dalka si xawliya looga furay isla markaana suuqa galiyay xayaysiisyo badan oo sheegaya inay yihiin goobaha ugu tacliinta fiican dalka.
Waqtigani waa markii ay bilaabantay qaybtii koobaad ee dhibaatada ay la yimaadeen dugsiyadan gaarka ahi gaar ahaan kuwa jiray xiligaas oo u badnaa hoose iyo dhexe waxaana la arkay macalimiintii dugsiyada dawlada oo looga gacan haadinayo meelo kale taasoo soo jiidashada sahlaysay ay sal u ahayd woxoogaaga lacaga ee laga furo faraqa bulshada danyarta ah ee ubadkooda geeyay goobahan gaarka ah taasoo xad aan la qaadi karin ahayd kuna adkayd dadka ilaa imikana kor u socota sidii ay doonaana ay ugu takri falaan mulkiilayaasha bixiya adeega waxbarsho ee bilaa dabarka ah isla markaana sida bilaa dhuuxa ah loo siiyo bulshada.
Dugsiyada aqoonta maaddiga ah bixiya ee gaarka ah waxaa barbar socday kuwo kale oo la magac baxay madaariis isla markaana lagu barto aqoon diineed iyagoo waliba qaarkood isticmaala manaahij aan dalku lahayn ee dawlado kale keeneen iyagoo ka faa,iidaysanaya shuruucdii diciifka ahayd ee dalkan dib u dhisku ka socday ka jirtay xiligaa,arrimaha xiisaha gaarka ah lahaa waxaa ka mida in dugsiyada diinta lagu bartaa ka lacag qaalisanaayeen kuwa kale isla markaana aanay inta badan dhici jirin in ay bixiyaan wax barasho la siiyo danyarta jilicsan,waxaa kaloo jirtay inay dawlado waawayni caawin jireen qaarkood dugsiyadan isla markaana ay dalbadeen inaan lacag laga qaadin dadka dhigta iyagoo bixin jiray wax kasta oo ku baxaya goobtaas balse laga qaadi jiray lacag aanay awood u lahayn waalidka ubadkoodu dhigtaan lagana qarin jiray cidda maagalisa ,waana amuur la sheego in ilaa waqtigan ay ka jirto dalka isla markaana ay dugsiyo caan ah oo waawayni ku adeegtaan.
Aan idin xasuusiyee ilaa xiligan aan ka sheekaynayo wali lama gaadhin waqtigii ay bilaabmeen ortii iyo is barbaryaacii dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay haday jiraana xataa waa tiro kooban,waana halbeeg qiyaas yabaal idinku abuurta ka bixinaya waxyaalaha qoraalkani xambaarsanayahay ee ku duugan qormo kastaa midda ay ka danbayso,adigoo markaba iswaydiinaya ilaa heer jaamacadeed halka ay martay aqoontii gacanta u gashay dadka sida qaldan ee indha la,aanta ah uga ganacsada waxbarashada waddanka.
Waxaan qormooyinka danbe idiinku soo gudbin doonaa qisooyin bulshada inteeda badan ka dadan kuwaasoo laga yaabo inaad is waydiiso sida ay uga dhici karaan somaliland laakiin aanay goobaha waxbarashada gaarka ahi u haysan in su,aali kaga iman karto lagana xisaabtami doono.

La soco qormada 3aad ee taxanaha qormooyinkan oo la baahiyay sanadkii 2016,kii waqtigana dib loo baahinayo.

Qalinka:Axmed Cisman Batuun

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories