HomeDOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH ~ Q.4aad - Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

DOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH ~ Q.4aad – Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankWaxaad soo aragteen sida ay dugsiyada waxbarashada ee gaarka loo leeyahay u marin habaabiyeen tacliinta dalka,iyo sida ay u bililiqaysteen macalimiinta,ardayda,iyo waxyaalaha ay ku kasban karaan kalsoonida bulshada ay u adeegaan.

Qormadan waxaynu iyana ku iftiimin doonaa sida dugsiyadan oo dalka intiisa badan laga hirgaliyay ay isugu rogeen goobo ganacsi oo si bilaa xishooda u hawlgala,kuwaas oo la odhan karo waxay galdaloolooyin ay ka faa’idaystaan ka heleen maamuladii kala duwanaa ee waqtiyada adag la daalaa dhacayay ee soo maray wasaaradda waxbarashada.

Waxay bilaabeen inay toos u garab maraan in badan oo ka mida dugsiyada gaarka ahi xeerarka u dejisan dalka ee xaga wax barashada,waxay qaateen qaarkood manhajyo kala duwan oo ajaaniba kuwaasoo ku baxa luuqado kale sida carabiga iyo ingiriisi.

Arrimaha yaabka badan ee ay ku dhaqmaan waxaa ka mid ahaa ilaa imikana jirta in ay qiime aad u badan ku iibiyaan buugaagta ay ardayda u dhigaan kuwaasoo qasab lagaga dhigo waalidka inay u iibiyaa ubadka.

Waxaa kale oo dugsiyadani sameeyeen qorsheyaal ay ku kala ilaaliyaan waalidiinta ubadkoodu dhigtaan dugsiyadan gaarka loo leeyahay iyadoo xikmadda ku jirtaa ay tahay in waalidku hadii ay si kedis ah ugu kulmaan dugsiga inta ay is waraystaan ka dib guddiyo samaystaan ay la doodaan mulkiileyaasha iyo maamulka ganacsata waxbarashada ka dibna hoos loo dhigo macaashka xaaraanta ah ee ay ka helaan danyarta,iyo ugu yaraan in arrimohoodu u gudbaan banaanka isla markaana indhaha saxaafadda iyo xaq u dirirku qabtaan, taas oo waxyeelo u gaysan karta habka ay u dhaqmayaan goobahani iyo guud ahaan siyaasadda ka ganacsiga qaldan ee aqoonta.

Waxaa dhacda in dugsiyadani waalidka ka saxeexaan heshiis ay iskaga fogaynayaan damaanada ilmaha inta uu dugsiga ku jiro hadiiba uu la kulmo ilmuhu dhibaato, kaas oo xataa nuqul aan laga siinin waalidka balse keliya laga saxeexo qaybta dugsiga la dhigayo hadiiba waalidku codsado in coppy laga siiyona aan laga ogolayn.

Dugsiyadan gaarka ah ee aan ka hadlaynaa akhristoow uma kala dhawa bulshada haday yihiin kuwa lagu barto culuumta diinta iyo kuwa kale waxaana taas marag u ah in la ogyahay qiimayaasha xad dhaafka ah ee lagu dhigto madaariska magaalooyinka dalka, sida aanay u dabakhin siyaasada waxbarashada dalka iyo sida ay manaahijta dalalka kale uga doorbidaan manhajka dalkan iyagoo gabood ka dhigta diinta, waxaana u dheer in aanay si hufan u bixin cashuurta ku waajibta,ujeedada saxda ahina waa goob ganacsi oo u ganacsanaysa si aan sharci ahayn kana ganacsanaysa wax aan laga ganacsan oo ah aqoon taas oo xataa ay ku jirto diin iyadoo la garan karo waxa gali kara dugsiga,macalinka,shaqada ama adeega lagu bixiyo goobta.

Arrimahan aan soo xusnay oo intooda badani ay yihiin kuwo culaysyo badan saara waalidka ayaa dad badani ay aaminsanyihiin in ay qayb ka yihiin koboco tahriibta dhalinyarta iyadoo looga aanaynayo dhinaca dhaqaalaha tusaale ahaan marka ilmuhu waalidkii ka codsado inuu ku daro dugsiga gaarka ah ee hebel ka dibna waalidkii ogaado in aanu bixin karin lacagta dugsigaasi lagu dhigto ee uu ilmihii ku qanciyo in aanu ku dari karin waxay dhalin kartaa in ilmahaasi tahriibo, waana daliil caqli ku dhisan oo kasoo baxay xog ururintii barnaamijka intii uu socday.
Dhinacyada dirayska waxaa waalidka kaga yimaada culaysyo kale oo badan waana mid ay ku khilaafsanyihiin wasaarada waxbarashada oo dugsiyada gaarka ah in badan oo ka mida ayaa leh diraysyo u gaara,inkastoo arrintaa wasaaradu culays ku saartay.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa aaminsan in dugsiyada gaarka loo leeyahay hadii sidan ay kusii socdaan ay noqon karaan kuwo marin habaabiya wax barashada ubadka waxaana la aaminsanyahay in loo baahanyahay talaabooyin lagu xakamaynayo waxyaalaha ka hor imanaya shuruucda waxbarashada dalka ee dugsiyadani ku kacaan gaar ahaan dhinacyada, manhajka ay raacaan, xaga dhaqaalaha xad dhaafay iyo siyaasadaha ay ku bahdilayaan dugsiyada dawladu maamusho oo iyaga laftoodu u baahan in la habeeyo lana hagaajiyo.

La soco qaybta 5aad ee qormooyinkan oo la baahiyay sanadkii 2016 imikana dib loo baahinayo.

Qalinka Axmed Cisman Batuun.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories