HomeDOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH - Q.1aad ~ Qalinka Axmed Cismaan...

DOODAHA DANYARTA IYO DUGSIYADA GAARKA AH – Q.1aad ~ Qalinka Axmed Cismaan Batuun

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

blankWaa qormadii koobaad ee taxane faaqidi doona kaalinta aqoon barashada gaarka loo leeyahay ku leedahay tacliinta dalka taasoo jihooyin kala duwan mari doonta.

Aynu ku bilawno qoraalkan is xasuusinta sababihii burburiyay adeegyadii aasaasiga nolosha u ahaa ee bulshada kuwaasoo ay bud dhig u ahaayeen dagaaladii dib loogu xoraynayay jamhuuriyadan xorta ah ee aan wali ixtiraam buuran ka helin beesha hagrashada ku caanka ah ee isku magacawda beesha caalamka, balse iskeed u tukubaysa, itaalkeedana samaysay horumar aan cidi qarin karin marka loo eego halka lagasoo bilaabay.

Hadaad akhristoow ila socoto sanadka aynu ka bilaabayno qormooyinkan dib u eegistoodu waa 1991kii, dalku wuu burbursanyahay ma jiro guri ama dugsi dhisan lama hayo macalin, tamaashiir,kursi,miis samuurad, iyo xataa arday wax loo dhigo,bulshadu waa habaqle,dalka waxaa gaaf wareegaya jabhado filiqsan oo nidaam beelaysan u qawlaysta waxa ubucda dadku wadhantahay xeryahay qoxoontiga ee maatidii manaxaanku gumaaday magan galeen ee dalka aynu deriska nahay ee Ethiopia kuwaasoo laga xasuusto, Dulcad, Daroor, Balliyalay iyo qaar kale.

Bulshada inta ka baxday madfaca,iyo kaaraha siyaad barre iyo inta oonka iyo macaluushu dishay maahee baaqiga kale waxaa gaagaabiyay cuduro ka helay xeryahay qoxoontiga kuwaasoo ay ka mid yihiin joonis iyo shuban.

Xilligan waxaa bilaabmay in dib loogusoo laabto magaalooyinka waawayn ee dalka lana yagleelo nolol aan inteeda badani suurogal ka ahayn magaalooyinka intooda badan,nasiib wanaag waxaa la sameeyay goobo dhirta hoostoodu ka mid tahay iyo dugsiyadii dunsanaa ama goobaha kale in la xaadho la soo guro daasadaha caanaha ee NIDO iyo COASTA ama wax u dhigma kuwaasoo ardaydu inay ku fadhiistaan loo qorsheeyay,durba waxaa isoo taray macalimiin tabaruc ku shaqeeya waxaa kordhay tirada ardayda waxaana isla jaanqaaday lodad qaarkood fasalo kooban kusoo qaateen qoxoontiga iyo qaar halkan looga bilaabay fasalka koobaad ee dugsiga hoose, waqtigan ma jiro dirays mana jirto wasaarad maamulkeedu si buuran u shaqeeyo oo dalka aqoontiisa wax ka qabataa, waxa macalinka kaaliya oo wax yar ku tara waalidka mana aha shuruud balse ardayga waayaa wuu dhigta dugsiga lamana eryo.

Muddo markii xaalku sidaa ahaa ee inyar kor looga kacay halkii laga bilaabay ee ay soo muuqato yididiilo muddo kooban ka dib waxaa dalka meelo ka mida ka dhacay dagaalo sokeeye,waxaanay sagxadda dhigeen rajo kasta oo laga qabay in hore loo socdo geesaha aqoonta,iyo horumarka guud.

Sidaa may sii ahaan xaaladu balse way soo afjarantay colaadii sokeeye waxaana halkii laga bilaabay kobcinta adeegyadii kaabayaasha nolosha oo ay tacliinta iyo caafimaadku hagayeen.

Waxay sidaa ahaataba waxaa suurogashay in wasaaradii waxbarashadu adkaato maamulkeedana ku fidiso dalka isla markaana ay awood u yeelato inay gacanta ku hayso inta badan goobaha waxbarashada ee dalka.

Akhristoow waqtigan ma jiro manhaj,mana jirto siyaasad waxbarasho oo dalku leeyahay sidoo kale ma jiro mushahar rasmi ah oo macalinku ka qaato wasaarada waxbarashada, balse qof kastaa wuxuu ku qanacsanyahay sida wax u socdaan waxaanu ulanayaa rajo uu filayo inay soo dhakhsan doonto.

Sanadihii 1994 wixii ka danbeeyay waxaa kobcay cago adagna isku taagay adeegyadii waxbarasho ee dawladu dadka siinaysay waxaana dugsiyada loo sameeyay dirays,sidoo kale waxaa la aasaay dugsiyo sare,intaa ka dib waxaa la bilaabay in la daadejiyo maamulka waxbarashada heer gobol ilaa heer degmo sidoo kale waxaa la sameeyay xafiisyo ay ka mid yihiin xafiiska imtixaanaadka,xafiiska manaahijta,iyo qaybo kale.

Wwaqtiyadan waxaa dalka ka bilaabmay aasaaska dugsiyo gaar loo leeyahay kuwaasoo ku bilaabmay meelo laga barto luuqadaha iyo qaybo lagu dhigto xirfado teebku ka mid ahaa iyagoo markiiba kobcay kana qayb qaatay horumarintii lala hiigsanayay aqoonta wadanka waxaanay isu badaleen dugsiyo waawayn kuwasoo bixiya adeegyo kala duwan oo wax barasho saacado kala duwana la dhigto.

La soco qaybta labaad ee qormadan oo hore loo baahiyay sanadkii 2016 imikana dib loo baahinayo oo xambaarsan xogo iyo taariikho kala duwan.

Qalinka:Axmed Cisma Batuun

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories