HomeDood Cilmiyeed Lagu Lafo-gurey Hanaankii Diiwaangalinta Iyo Kala Reebista Ururada Siyaasadda oo...

Dood Cilmiyeed Lagu Lafo-gurey Hanaankii Diiwaangalinta Iyo Kala Reebista Ururada Siyaasadda oo Kulmisay Ururada Hadhay, Kuwa Soo Gudbay iyo Ururada Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)– Machadka Cilmi-baadhista Bulshada iyo Horumarka ( SORADI) ayaa soo qab-qaabiyay dood cilmiyeed si mug leh loogaga dooday looguna lafo guray Hanaankii Gudida Diiwaangalintu u martay, Diiwaangalinta iyo Kala Reebista Ururada SIyaasiga ah. Doodan waxa kasoo qayb-galay Hogaamiyeyaasha Ururada Siyaasiga, ururada la reebay, kuwa soo gudbay, xubno kamid ah asxaabtii hore iyo xubno ka tirsan ururada bulshada. Kulanka Waxaan kasoo xaadirin Gudida diiwaangalinta iyo Ansixinta Ururada Oo Lagu casuumay kulanka dooda.

blankUjeedada Kulankan ayaa ahaa in bulshada rayidka ahi ka hawlgasho sidii si cilmi-yeysan loogaga hadli lahaa arinta murugsan ee u dhaxaysa ururada siyaasada iyo gudida diiwaangalinta Iyo sidii loo dhex-dhexaadin lahaa labada dhinaca, xal-na loo gaadhi lahaa, loona soo afjari lahaa muranka iyo khilaafka si loo badbaadiyo Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Jiritaanka Qarankan Somaliland.

blankKasoo qayb-galayaasha kulanka ayaa si qiimo leh doodooda ugu dhiibtay khilaafka taagan talooyina kasoo jeediyay sidii xal looga gaadhi lahaa. Su’aalaha lagaga doodayay kulanka waxa kamid ahaa : Maxay ahaayeen guulihii iyo caqabadihii soo waajahay gudida diiwaangalinta iyo ansixinta ururada siyaasadu?  Qiimayntii la sameeyey ma ahayd mid wax ku ool? Maxaa la sixi karayey ama ay ahyd in la sameeyo? Sidee bay uga qayb qaateen qaybaha kale ee bulshadu arintaas? Maxaa la samayn karaa si loo horumariyo shaqada gudida diiwangalinta ururada siyaasada?

Waxa dhamaan kasoo qayb-galayaasha dood-cilmiyeedani isku raaceen inay jireen khaladaad badan oo ka jira dhinaca Xeer Lab. 14 iyo xad-gudubyo ay sheegeen inay gudidu ku samaysay sharciga.  Waxa sidoo kale madasha laga sheegay in ururada siyaasadu laftoodu ay qayb ka ahaayeen khaladaadkii dhacay maadaama ay ogalaadeen sidii gudidu wax u maamulaysay.

Inkasta oo garabka Gudida diiwaangalintu ka maqnaa madasha, oo aan jawaab loo helin dhamaan su’aalaha iyo tabashooyinka ay sheegayeen ururada siyaasada ee la reebay, waxa dood dheer oo socotay mudo ilaa 3 saacadood ah kasoo baxay qodobadan hoos ku xusan:

1.    In dhamaan qaybuhu u hogaansamaan sharciga dalka u yaala. Ururada Siyaasiga ahina si sharciga waafaqsan isla markaasna salmi ah u soo diyaariyaan cabashooyinkooda una gudbiyaan Maxakamada Dastuuriga ah

2.    In Gudidu dadka soo hor fadhiistaan isla markaana qanciyaan waxay u cuskadeen qiimayntii ay sameeyeen Si gudidu u muujiso dhex-dhexaadnimo

3.    In Bulshada Rayidka ahi door wayn ka qaadayo isu soo dhawaynta iyo heshiisiinta labada dhinac.

4.    In la sameeyo cid madax-banaan oo cilmi baadhis ku samaysa wixii khaldamay iyo habka iyo hanaanka loo sameeyo gudiyada si looga fogaado khilaafaadkan oo kale mustqablka.

5.    In xukumadu soo dhex gasho arinka oo ay dhex dhexaadin samayso.

6.    In danta guud laga wada shaqeeyo oo layku tanaasulo

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories