HomeDood Cilmiyeed ku saabsan dar-dargelinta cashuurah oo ka qabsoomay magaaladda Hargeysa

Dood Cilmiyeed ku saabsan dar-dargelinta cashuurah oo ka qabsoomay magaaladda Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Dood Cilmiyeed ku saabsan Dardargelinta Cashuuraha oo ay ka qayb qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda, Wakiilo ka socday Shirkadaha waaweyn ee Ganacasiga, Baayacmushtariga yaryar ee dalka qaarkood, aqoonyahano iyo Dadweyne ayaa maanta lagu qabtay Xarunta wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.

Xalfadii dood Cilmiyeedkan oo qayb ka ah dardargelinta cashuuraha guud ee Dalka gaar ahaan Cashhurta Gadista ama iibka ayaa waxaa warbixino ka bixiyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Hay’adaha Maaliyadda ee Golayaasha qaranka.

Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Maaliyadda Weli X Daa’uud Cigaal ayaa ugu horayn munaasabadaasi ku soo bandhigay Qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan cashuur qaadista, taasoo uu ku faahfaahiyey meelaha ay culayska saarayaan sida xarumaha ganacsiga ee iibiya adeega tafaariiqda ah.

Mudane Weli waxa uu xusay qiimo dhimista lagu sameeyey cashuuraha qaarkood sida Macaashalmacaashka kirada guryaha, shaqaalaha iyo ganacsiga, cashuuraha kala wareejinta Guryaha iyo gaadiidka, cashhuuraha Gadista, Diiwaangelinta shirkadaha iyo dhaxalka.
Agaasimaha Qorshaynta ee wasaaradda maaliyaddu waxuu u soo jeediyey ganacsatada inay bixiyaan cashuuraha ay ka mid yahiin Liisamada Hudheelada waaweyn, Cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo meelaha kale ee cashuurtu ku waajibtay.

Geesta kale Wasiirada Wasaaradaha Cadaalada iyo Garsoorka Md Xuseen Axmed caydiid, Hawlaha Guud Md. Axmed Cabdi xaabsade, Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole, Kaluumaysiga Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) wasiirul dawlaha wasaaradda Maaliyadda Md Cismaan saxardiid Caddaani iyo Xildhibaan Cali mareexaan oo ah xoghayaha gudida dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa dhamaantood ku dheeraaday Qiimaha ay cashuuruhu ugu fadhiyaan qarankan horumarkiisa iyo waajibaadka ka saaran bulshada gaar ahaan ganacsatada bixinta cashuuraha ku waajibay, iyagoo sheegay inaan dalna dhismin cashuur la’aan.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed samaale oo isna warbixin ka jeediyey dood cilmiyeedkaas ku saabsanaa cashuuraha ayaa kaga xogwaramay qorshaha isla xisaabtanka hay’adaha ku shaqada leh cashuuraha gaar ahaan wasaaradda maaliyaddu uu ka taray koboca dhaqaale ee dalka iyo meel marinta nadaamka qaadista cashuuraha.

Mudane Samaale oo sheegay in cashuurtu tahay tiirarka dawladnimadu ku taagan tahay la’aanteedna uu iman karo dheelli ku yimaadda qaranimada ayaa caddeeyey in Markii wasaarad ahaan ay isla xisaabtameen isla markaana nadaam hufan u sameeyeen xarumaha Kastamada dalka uu yimid isbedel la taaban karo isla markaana xiligan uu labanlaabmay dakhligii ka soo xeroon jiray kastamada dalka qaar ka mid ah.

Wasiirka Maaliyaddu waxuu ugu baaqay Bulshada Somaliland guud ahaan inay cashuurta u bixiyaan si waafaqsan sharciyada u degsan waxana uu ku nuuxnuuxsaday inay xukuumad ahaan iyo Qaran ahaanba ay ballanqadayaan in dhaqaalahaa ka soo baxa dakhliga cashuuraha ay ku bixin doonaan si waafaqsan qaanuunka dalka u yaalla.

Intii ay socotay Dood cilmiyeedkaasi waxaa fariin wacyigelin ah oo Riwaayad kooban ah ku soo bandhigay kooxda fanaaniinta wadani Group, riwaayadaas oo magaceedu ahaa Xalaal baa barakowdee Xoolahaaga cashuuro kana turjumaysay Faa’iidooyinka ku jira Bixinta cashuurta.

Gebagebadii Xubno ka tirsan ganacsatada dalka, aqoonyahanada iyo dadweynaha ka soo qayb galay Dood cilmiyeedkaasi ayaa soo jeediyey warbixino ku saabsan sida la isula meel dhigi karo qiyaasta xadiga cashuureed ee ganacsiga ku waajiba, in la helo hanaan casri ah oo ganacsaduhu ku xafidan karo lacagihiisa, sida loo abaalmarin karo ganacsatada ku sifowda cashuur bixiyaha wanaagsan iyo inay mas’uuiyiinta dawladdu hormuud iyo tusaaleba ka noqdaan bixinta cashuuraha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories