HomeDoobnimo faral ah!

Doobnimo faral ah!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankLab gu’ hortood ayay mareegta theEconomist faafisay in sannadkii 1979-kii uu madaxweynihii Jaynuhu meelmariyay sharci ku xaddidaya in aan tirada ubadka laga badin karin mid qudha si loo xakameeyo korriinka cirka ku ganan ee bulshada Jaynaha.

 

Sharcigaas wuxuu keenay in labadii waalid ee Jaynaha ahi kolka uu ilme u calool-galaba ay soo hubiyaan wiil iyo gabadh wuxuu yahay, haddii ay gabadh noqoto way soo ridi jireen (abortion), haddii se uu wiil noqdo way dayn jireen maadaama oo sida ay rumaysnaayeen uu dhaqaale ahaan u taageeri doono kolka ay gaboobaan. Ugu dambayn waxa si aad ah isu dhintay tirada dheddigga iyada oo gaadhay hoos-u-dhac 60 Milyan ah. Macnuhu waa in 60 Milyan oo rag ah ay noloshooda ku waajibtay inay doobnimo ku idlaystaan mar haddii aanay haysan cid ay guursadaan.

 

Haweenka Jaynuhu waxay si aad ah uga faa’iidaysteen fursaddaas dhifta ah iyaga oo guursaday kaliya ragga lacagta leh, kuwa awoodda badan iyo inta ladan. Badanka waxa doobnimadaasi faralka ah dugsaday ragga dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa ku noolaa meelaha magaalooyinka ka fog ee aan waxna qorin waxna akhriyin, waxaana ay xukuumadda Jaynuhu gaadhay heer ay ka cabsato inuu qalalaase ka dhaco loollanka loogu jiro haweenkaas gabaabsiga ah.

 

Toban gu’ hortood gabadha waxa lagu dooni jiray inta u dhexaysa 2,000 ilaa 3,000 oo lacagta Jaynaha ah, jeerka maanta ah se waxa lagu doonaa inta u dhexaysa 200,000 ilaa 300,000 oo lacagtaas ah. Qiimuhu boqol jeer ayuu kordhay lamana hubo inuu dib u soo noqon doono.

 

Raggii miyiga joogay waxay ku soo qamaameen magaalooyinkii waaweynaa maadaama oo ragga magaaladu ay midhmidhaysteen haweenkoodii, miyigiina ay isugu soo hadheen rag isu baxay. Waxa qudha ee miyiga ku weheliyaa waa habro aanay cidina hunguraynayn. Inkasta oo sharcigaas dhalmada lagu xaddidayo la soo afjaray 2015-kii, haddana cidhibtii ka dhalatay weli waxay gilgilaysaa Jayna oo dhan.

 

Ugu dambayn waxay gaadhay in guud ahaan heerka guurku uu hoos u dhaco iyada oo tobanlihii u dambeeyay guurka Jaynuhu uu gaadhay hoos-u-dhacii ugu darnaa ee abid la arko sida ay mareegta Chinadaily ka soo xigatay hay’adaha dawladda. Kunkii qofba waxa is guursaday wax ka yar siddeed qof. Shangahaay oo ah magaalada ugu weyn ee dalka Jayna, heerka guurku wuxuu ka hooseeyaa in kunkii qofba ay shan qof is guursadaan!

 

Xorriyadda qofka oo koobmaysa, maciishadda heerkeedu sarreeyo, guriyaha qaaliga ah, haweenka oo rumaysan in nafhur ta ninka ka badan looga baahan yahay kolka ay guursadaan, iyo dhibka ama dheefta aan la hubin ee guurka la mataanaysan ayaa ah sababaha kale ee iyaguna doorkooda ka qaatay hoos-u-dhaca guurka ee bulshada Jaynaha. Waxa ugu doorran sababahaas in aragtidii bulshada ee guurka qiimaha sare siin jirtay ay is beddashay ka dibna uu yaraaday cadaadiskii uu bulshada kala kulmi jiray qofka aan guursani, kaasi oo ku dirqiyi jiray inuu qofku guursado xiitaa haddaanu isagu doonayn.

 

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories