HomeDonald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan...

Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Dawladda Maraykanku safiirrada ay u magacaabayso in ay wakiillo uga noqdaan dalalka Dunida waxa lagu soo xulaa waayo aragnimadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin diblamaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah (career diplomats); waxase jira safiirro tiro yar oo madaxweynuhu ku maamuuso in ay dalkiisa wakiil uga noqdaan waddamo Maraykanka la xulufo ah.

Safiirrada ruug caddaaga ah yaala waxa loo diraa waddamada Maraykanku ka leeyahay dano muhiim ah sida quwadaha waaweyn iyo kuwa hore uga maray dhinaca dhaqaalaha laakiin, dalalka Dunida saddexaad gaar ahaan kuwa Afrika waxa loo soo magacaaba kuwo ka heer hooseeya (junior Diplomats).

Isku soo wada dar guud ahaan waa rag xul ah hase ahaatee mararka qaarkood waxa dhici kara in si khalad ah loo soo magacaabo rag aan ku haboonayn shaqada loo igmaday ee safiirnimo oo hagaaf ah, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa safiirka Maraykanku u soo dirtay Soomaaliya Donald Yamamoto.

Diblamaasigan ilaalinta danaha Maraykanka ka sakow waxa loo soo xilsaaray in uu dib u soo nooleeyo Qarankii fashilmay ee Somalia, siiba in uu ka caawiyo yagleelka hay’addihii dawladda ee burburay, dhismaha ciidamada Qaranka si looga maarmo ciidanka AMISOM, kobcinta dhaqaalaha, dimuqraaddiyadda iyo in uu xukuumadda gacan ka siiyo la dagaallanka urur diimeedyada xagjirka ah ee Soomaaliya iyo gobolkaba ka hawl gala; hase ahaatee intii uu joogay xaaladda Soomaaliya way ka sii dartay ama way ka sii xumaatay sidii hore.

Yamamoto inkasta oo aanu ku guulaysan xattaa mid ka mid ah arrimihii loo soo xilsaaray haddana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka (The State Deparment) wuxuu u gudbin jiray warbixino xaqiiqada ka fog iyo aragtidiisa gaarka ah oo aan ka turjumayn siyaasadda Maraykanka. Wuxuu diri jiray warbixino Soomaaliya iyo maamulka madaxweyne Farmaajo ka bixinaya sawir qurux badan si uu dhaqaale badan uga helo Beesha Caalamka.

Waxa uu ka aammusay xasillooni darrada iyo dhibaatada dawladda Federaalka Soomaaliya ka waddo maamul gobolleedyada gaar ahaan Jubaland. Mar kasta wuxuu hoos u dhigaa guulaha, horumarka iyo wararka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhammaad ah muddo xileedkiisii safiirnimo, waxaanu Soomaaliya ka tagayaa isaga oo ‘file’-kiisu madhan yahay oo aan wax guul ah ka soo hoyn shaqadii loo magacaabay haba-yaraatee, sidaa daraadeed waxaan u malaynaya in ay noqon doonto shaqadiisii ugu dambeysay, wuxuuna ku biiri doona liiska diblamaasiyiintii ugu liitay taariikhda ee soo mara Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka sidaa awgeed Yamamoto waxa lagu tilmaami karaa ninka Soomaalidu ku hal qabsato ee ay tidhaahdo “Wallee Feytanow dhaan dambe ayaanay cidina kuu dhiiban”.

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories