HomeDonald Trump oo Qaaddacay Guusha Joe Biden iyo Shuruudo uu ku xidhay...

Donald Trump oo Qaaddacay Guusha Joe Biden iyo Shuruudo uu ku xidhay Aqbalaadda Natiijada Doorashada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankWashington (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden, ayaa ku guulaystay inuu helo Codad ku filan oo suurta-galinaya inuu noqdo Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka, kaddib markii boqolkiiba 99 la soo gebo-gabeeyey tirinta codadka gobolka Pennyslavania oo labada murashax si xooggan ugu loolameen.

Joe Biden oo ku guulaystay inuu helo in ka badan 270 Codadka Guddi-doorasho oo Guusha Murashaxu ku xidhan tahay, ayaa noqonaya madaxweynihii 46aad ee Maraykanka, isagoo ka guulaystay madaxweynaha xilka sii haya Donald Trump. Warbaahinta Maraykanka, ayaa saadaalisay inuu Joe Biden ku guulaystay tartanka Aqal Cad ee Maraykanka. 

Haseyeeshee, waxa arrintan waxba kama jiraan ku tilmaamay Madaxweynaha Xilka haya Donal Trump oo been abuur ku tilmaamay guusha Joe Biden, isagoo iska indho-tiray natiijada ka soo baxday codka shacabka Maraykanka.

War-murtiyeed uu Donal Trump soo saaray wax kaddib markii caawa la shaaciyey Guusha Joe Biden, waxa uu been-abuur ku tilmaamay inuu Joe Biden ku guulaystay doorashada oo uu ku dooday in la boobay isla markaana ay sharciga ku kala baxayaan.  

Trump waxa uu ku dooday in masuuliyiin ka tirsan Xisbigiisa laga horjoogsaday inay kormeeraan goobaha tirinta Codadka, taas beddelkeedana ay natiijo kasta oo ka soo baxday ku wejahayaan sharciga. 

“Dhamaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu degdegayo inuu si been abuur ah u sheegto inuu guuleystay iyo sababta ay warbaahinta taageertaa isugu dayayaan inay ugu garab-joogsadaann. Ma doonayaan inay runta sheegaan. Xaqiiqda jirtaa waxa weeyaan in doorashadani tahay mid aan wali dhamaan.

Lama Xaqiijin in Joe Biden si rasmi ah ugu guulaystay hal gobol, iskaba daa inuu ku guulaystay mid ka mid ah gobolada loolanka adag ka socdo ee in dib loo tiriyo ku khasban. Gonolka Pennsylvania kormeerayaasha xisbiga looma ogola inay ku daawadaan habka tirinta. Codadka sharciga ah ayaa go’aamiya qofka madaxweyne ah, ma go’aamiyaan wararka warbaahintu,” Sidaas ayuu Trump ku yidhi War-murtiyeedka.

Isagoo ka hadlayey tallaabada ay xisbiga ahaan qaadanayaan, waxa uu yidhi, “Laga bilaabo Isniinta, waxaanu bilaabaynaa inaanu dacwadda u gudbinno Maxkamadda si aan u hubino in sharciyadda doorashada si buuxda loogu hoggaansamay, isla markaana qofka saxda ah ee guuleysta la ogaado.  Dadka Mareykanku waxay xaq u leeyihiin doorasho daacad ah, taas macnaheedu waa in la tiriyo dhammaan warqadaha codbixinta ee sharciga ah. Tani waa sida kaliya ee lagu xaqiijin karo in shacabku ay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada.”

Trump oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ma nasan doono ilaa dadka Mareykanku ay helaan Codad daacad ah oo ay u qalmaan, Dimuqraadiyaduna u qalanto.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories