HomeDokumentiyo sir ah oo muujinaya Qorshe uu Osama bin Laden ku beegay...

Dokumentiyo sir ah oo muujinaya Qorshe uu Osama bin Laden ku beegay 10-guurada dhacdadii 9/11

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Waraaqo sir ah oo laga helay gurigii uu ku jiray Osama bin Laden ka dib geeridiisii ayaa muujinaya in hoggaamiyahaas ay u qorshaysnayd inuu mar labaad weerarro ka fuliyo magaaalada New York iyo Washington wakhti ku beegan sannad-guurada 10aad ee dhacdadii 9/11.

Sidaa waxa jariiradda Washington Post u sheegay saraakiil ka tirsan milatariga Maraykanka kuwaas oo ku doodaya inay jireen qorshayaal weerar-celin ah oo uu Osama damacsanaa.

Warka noocan ah ayaa ku soo beegmay wakhti uu todobaad kaliya ka hadhsan tahay sannad-guurada 10aad ee la sheegay inay Osama u qorshaysnaayeen, waxaana hadda aad loo adkeeyay amaanka magaalooyinka waaweyn.

Mid ka mid ah booliska magaalada New York ayaa laga soo xigtay, “Waxaanu galnay feejignaan dheeri ah maxaa yeelay waxa isku xidhan wakhtigan soo dhow iyo qoraallada sirta ah ee laga helaay gurigii Osama, waxaana dhici karta in qorshahan loo gudbiyay dadkii fulin lahaa oo ay gacanta ku hayaan.”

Sarkaal Maraykan ah oo ka tirsan waaxda daba-galka argagixisada ayaa sheegay in munaasibadda xuska 10aad ay muhiimad gaar ah u leedahay Al-Qaacida isla markaana ay xusuusinayso hoggaamiyahoodii.

Waxa heegan la geliyay ciidamada FBI iyo waaxaha nabadgelyada magaalooyinka New York iyo Washington iyada oo boolisku xoogga saarayo ilaalinta munaasibadaha, garoomada diyaaradaha, tareennada iyo meelaha xaasaasiga ah.

Filim documatari ah oo maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda laga sii dayn doono Telefishanka Fox News, ayaa tilmaamaya in nimankii diyaaradaha afduubay weerarkii 9/11 ay jireen shabakado isku xidhan oo kaalmooyin iyo taakulayn siinayay una sahlay afduubka iyo weerarkaba.

Sida lagu sheegay dokumentiyo la daah-furay, waraysiyo gaar ah, numbarro telefoon oo ay heshay idaacadda la iska arko ee Fox News, qaar ka mid ah xubnihii laga shakiyay ee shabakaddii Al-Qacida taageeray, waxay dalka Maraykanka galeen toban sanno ka hor intii aan hawl-galka la fulin halka qaarkoodna ay hadda si madax-bannaan isaga nool yihiin.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories