HomeDokumenti Sir ah oo Ah Oo Muujiyey Mawqifka Dawladda Turkiga Ee Qadiyadda...

Dokumenti Sir ah oo Ah Oo Muujiyey Mawqifka Dawladda Turkiga Ee Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost) – Dowladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Recip Erdogan, ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay soo bandhigtay inay sidii laba dowladood oo kala duwan ula dhaqmayso labada waddan.

In kasta oo dowladda Turkey-gu xidhiidh dhow la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Farmaajo ee ka dhisan Muqdisho oo ay taageero Milatari iyo mid dhaqaaleba ku caawiso, haddana dowladda Turkigu waxa ay caddeysay inay Somaliland ula dhaqmayso sida waddan madax-bannaan.

blankWarbixin soo xiganaysa dhukumentiyo sir ah oo laga helay dowladda Turkiga oo dhawaan ay soo saartay hay’ad lagu magacaabo Nordic Monitor oo ka shaqeeya Deraaseynta arrimaha Ammaanka ee qaaradda Yurub, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga dhukumentiyadaas ku xustay magaca Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhuumentiyada laga helay dowladda Turkiga ee warbixintani soo xigatay oo ku taariikheysan dabayaaqada sannadkii 2018-kii, ayaa ka soo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Turkiga, waxaana waraaqaha ku xusan magacyada shaqsiyaad ay dowladda Turkigu fal-dambiyeedyo u haysatay, waxaana waraaqaha ku xusan magacyadooda iyo waddamada ay ku sugan yihiin shaqsiyaadkaas oo lala xidhiidhiyey inay u shaqeeyaan Ururro iyo siyaasiyiin lagu eedeeyey inay ka dambiyeen af-gembigii dhicisoobay ee sannadkii 2018-kii ka dhacay Turkiga.

blank
Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Dowladdu Turkey Marti-gelisay (@Andalou)

Documentiyada la helay ee uu ku saxeexan yahay xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga, ayaa waxa ka ku jira qoraal uu dowladda dalkaas kaga codsanayo baadhitaanno lagu sameeyo shaqsiyaad la eedeeyey oo uu xusay inay xilligaas ku sugnaayeen Dalka Somaliland, iyadoo waraaqaha kale ay ku xusan yihiin magacyada dalalka kale ee adduunka iyo shaqsiyaadka la eedeyey.

Waxa lagu xusay warbixinta Nordic Monitor in magaca “Dalka Somaliland” ee ka soo baxday xeer-ilaalinta ee Turkigu ay tilmaamayso in dowladda madaxweyne Erdogan wax weyn ka beddeshay mowqifkeeda Somaliland isla markaana ay ula dhaqmayso waddan madax-bannaan.

Dawladda Turkiga, ayaa dhowr jeer marti-gelisay Wada-hadalladii Siyaasiyadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana xilligaa ka dib, Dawladda Turkigu ay Qunsuliyad ka furatay Magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories