HomeDJIBOUTI: Tirada Dhimashada iyo Dhaawac ka dhashay Laba Qarax oo Caawa Gil-gilay...

DJIBOUTI: Tirada Dhimashada iyo Dhaawac ka dhashay Laba Qarax oo Caawa Gil-gilay Badhtamaha magaalada Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Badhtamaha magaalada Jabuuti, gaar ahaan mid ka mid ah suuqyada ugu mashquulka badan ee caasimadda dalkaas, waxa caawa ka dhacay laba qarax oo waaweyn oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dadkii ku sugnaa goobtaas.

DJIBOUTI TOWN, DJIBOUTI - FEBRUARY 25: Worshippers bow in a mosque during an evening service February 25, 2003 near the main fruit and vegetable market in Djibouti Town, Djibouti. The tiny, predominantly-Muslim nation of Djibouti has been catapulted to strategic and geo-political importance within the last year as both Germany and the U.S. have stationed troops there in the ongoing war against terror. (Photo by Sean Gallup/Getty Images)Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaas oo ka dhacay Makhaayad dadka Ajaanibka ahi ka cunteeyaan, halka laba qof oo kalena ku dhinteen, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee Shabakadda Somalilandpost helayso.

Goob-joogayaal ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso, ayaa shakabadda Somalilandpost u sheegay inay arkayeen dad ka mid ahaa shacbigii ku sugnaa goobta qaraxyadu ka dhaceen oo lala sii cararayo cusbitaallada.

Muddo daqiiqada ah ka dib, waxa isla markiiba goobta uu qaraxu ka dhacay gaadhday Ciidamada Bilayska oo isku xeeray goobta uu qaraxu ka dhacay oo la sheegay inay tahay Hotel uu leeyahay ganacsadaha reer Jabuuti ee lagu naanayso MULAC.

Ciidamada Booliska oo markiiba la wareegay gacan ku-haynta goobta isla markaana dadka u diiday inay tagaan goobta, ayaa sababay inaan wax war oo intaas dhaafsiisan laga helo, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac hay’adaha Ammaanka ee dawladda Jabuuti.

Sidoo kale, ma jiro cid sheegatay masuuliyadda qaraxyada, halka sidoo kale aanay jirin warar xaqiijinaya inay ahaayeen qaraxyo ay fuliyeen kooxaha Xag-jirka ah.

Dalka Djibouti ayaa ka mid ah waddamada Ciidamada Nabad-ilaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana sannadkii hore ku biiray Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya boqolaal ka mid ah ciidamada Jabuuti.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawr jeer ku cel-celiyay inay dagaal adag la gelayaan Al-shabaab oo iyaduna ku hanjabtay inay weerari doonaan waddamada ciidamada AMISOM ku mideysan.

Dalka Jabuuti, ayaa ka mid ah waddamada saldhigyada Miltari dhulkooda ka siiyey Ciidamada Maraykanka oo ay kaga joogaan boqolaal ka mid ah, iyada oo saldhiggaasi yahay xarunta laga maamulo ciidamada USA ee ka hawl-gala Beriga Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawr ka hor socdaal ku tagay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha USA Barack Obama.

Qaraxyada caawa gil-gilay magaalada Djibouti, ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya weerar is-miidaamin ah lagu bartilmaameedsaday xarunta Baarlamanka dalkaasi, waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, waxaana qaraxyadaas masuuliyaddeeda sheegatay kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanka dalkaasi Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories