HomeDjibouti oo heshiis kula gashay Shirkadda Oyster Oil & Gas qodaalka ceelal...

Djibouti oo heshiis kula gashay Shirkadda Oyster Oil & Gas qodaalka ceelal baasiin oo ku fidsan ilaa xuduudka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti, (SLpost)- Shirkad lagu magacaabo Oyster Oil & Gas ayaa heshiis wadaag ah oo shidaal-qodis ah la gashay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, kaasoo saamaynaya afar ceel oo gaasta iyo shidaalka ah.

blankSida lagu faafiyay shabakadda wararka ee Oilvoice Lambarrada ceelasha ayaa lagu sheegay inay kala yihiin 1, 2, iyo 4 ayaa iyagu ku yaala berriga, halka ceelka afraad ee Block 3 uu ku yaalo badda hoosteeda. Baloogyadan oo la sheegay inay ku dhacaan dhulalka gubanka ah ee ku teedsan badda cas iyo gudeheedaba, waxa la aaminsan yahay inay qaadanayaan ugu dhawaan dhul gaadhaya 14,100 km. dhulka Gubanka ah ee la aaminsan yahay inuu shidaalku ku jiro waxa uu ku fidsan yahay ilaa guddaha Somaliland, halkaasoo lo ohayo caddaymo adag oo muujinaya inuu ku jiro shidaal iyo gaasta dabiiciga ahiba, isla markaana hore loo ogaaday inuu shidaal ku duugan yahay, ka dib markii qodal lagu sameeyay. Sidoo kale, warku wuxuu sheegay inay muhiimad balaadhan leeyihiin ceelal shidaal oo iyana ku yaala meelo u dhaw dalka Yemen.

Shirkadda Oyster Oil ayaa immika haysata 100% rabitaanka shaqada iyo ka hawlgalka Baloogyada 1, 2, 3 iyo 4. Barnaamij balaadhan oo shaqo ayaa la bilaabi doonaa, si loo qiimeeyo muhiimada qoditaanka baloogyadan.

Dhinaca kale, Shirkadda Oyster Oil & Gas, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen oo lagu baahiyay isla bogga ay Inter-netka ku leeyihiin, waxay ku sheegeen inay dawladda Djibouti abaalmarin u siisay afar baloog oo bed-ka dhulka ay ku fadhiyaana uu gaadhayo 14,100 km oo laba jibaaran. Kambanigani waxa uu sheegay inay ceelashani taagan yihiin wejiyadii ugu horeeyay ee qodaalka, iyada oo macluumaadka laga hayaana ay aad u kooban yihiin. Hase yeeshee, Shirkadda Oyster ayaa ku kalsoon inay dhawrkaa ceel ay ku dhaadhacayaan ilaa dhulalka gubanka ah ee loo yaqaano Gondwanaland, kuwaasoo ah kuwa ugu waawayn ee ku yaala dhulka Guban-ka ah.

Afarta ceel ayaa ka ugu wayni uu ku yaalaa meel ka baxsan badda ee Baloog 1, kaasoo ku sii fidaya ilaa biyaha Gacanka Cadmeed ee ay qaybaha koonfureed ee dalkaas, isla markaana wuxuu gaadhayaa ilaa xuduudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories