HomeDjibouti oo dalkooda ku Celisay tiradii ugu Badnayd Qaxoonti Ethiopian ah iyo...

Djibouti oo dalkooda ku Celisay tiradii ugu Badnayd Qaxoonti Ethiopian ah iyo Wer-wer Caabuqa Coronavirus

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Kumanaan Itoobiyaan Qaxoonti ah dib ugu celisay dalkooda toddobaadyadii u dambeeyay.

Qaar ka mid ah Dadka Jabuuti ku celisay Dalkooda Itoobiya ayaa markii ay dalkooda gaadheen ee la baadhay laga helay Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid-19, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Ethiopia.

blankHay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM, ayaa Dadka Jabuuti dib ugu celisay Dalkooda Itoobiya bishii hore ee April ku qiyaastay inay ka badan yihiin 2,400 Qof, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Hay’adda IOM oo Magaciisu yahay Yvonne Ndege.

Dadkan ayaa markii la geeyay Xuduudka Itoobiya waxa la geliyey Karantiil, waxaana baadhitaano Caafimaad oo lagu sameeyay laga helay 4 ka mid ah dadkaasi, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ku noqday Magaalada Diridhaba.

Zewdu Assefa oo ka mid ah Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Itoobiya ayaa wer-wer ka muujiyey in Xanuunka Covid-19 uu ku faafo Gobollada Itoobiya xilli aan la hubin in Jabuuti Dadka ay ku celinayso Itoobiya ku samaysay Hubin Caafimaad, gaar ahaan inay ka bad-qabaan Covid-19.

Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya Mohamed Idriss Farah oo Jimcihi hadlay ayaa sheegay inay jiraan Dad Itoobiyaan ah oo ku sugan Dalka Jabuuti, kuwaasi oo doonayay inay ku laabtaan dalkooda, balse uu saameeyey xaaladda xannibaadda isu-socodka Dadka iyo xuduudaha ee lagu soo rogay dalka Djibouti.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa noqotay dalka ugu badan mandaqadda Bariga Afrika ee laga helay tirada ugu badan kiisaska Caabuqa Coronavirus, iyadoo xogtii ugu dambaysay ee wasaaradda Caafimaadku shaaciso sheegayso tiro ku dhow 900 qof oo laga helay xannuunkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories