HomeDjibouti: Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Maareeyihii...

Djibouti: Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Maareeyihii Dekedaha Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekedda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla dalka Faransiiska.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Jinaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah masaajiddada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaadhan oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey.

Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-galay Aaska loo saameeyey maariyihii hore ee dekedda Jabuuti, Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida oo jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti.

blankMadaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta kusoo guryo noqday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen  socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories