HomeDJIBOUTI IYO SOMALILAND MALAHA ISMABA BARAN?

DJIBOUTI IYO SOMALILAND MALAHA ISMABA BARAN?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Gal dad liqa ulbaa lagu dayaa laga dambeeyaaye

Waligiinba ceel dowlis laad dalaqtidhaahdaane

Ehelkii kula dhashiyo aabbahaa kuguma daayeene

Malaha mid uu warfaa deyriyay oo daahanbaad tahaye

Waxa gabaygani tiriyey Alle ha u naxariistee gabyaagii weynaa ee Faarax Nuur

Waa qoraal kooban oo aan Djibouti uga caqli celinaayo, falalka iyo siyaasadaha gardarrada ah ee ay kolba kula soo kufayso waddanka Somaliland. Waxa aan waxyar uga sheegayaa, waxa ay tahay Soomaaliland. Waxa aan xusuusinayaa taariikho madhaafaan oo aanan ku fogaaneynin.

Dalka Jamhuuriyada Somaliland waa dal ay ku midoobeen sifooyin badan oo iska soo horjeeda. Waa dal aan fulaynimo lagu xaman, gardarrona lagu ogayn, dhiig sokeeyana aan jecleyn. Waa
dal dagaallama marka ay xaaladdu dagaal ka fursanweydo oo kali ah, inta kale xal nabadeed wax ku raadiya. Waa dal aan cududiisa ciidan la hor istaagi karin, oo waayo badan lagu hungoobay. Waa mid aan cadaawaha u tudhin marka tudhis isaga laga waayo. Diirnax dadnimo ku dheehantahay iyo halaakeyn ninkii joogsanwaaya waa mid ay Somaliland ku caantahay.

Filashadayda Djibouti Somaliland ismey baran oo aragtideeda gaaban ee ah “Somalia waa mid” ayaa wax ka qaladday, oo ay danaheedii ku hilmaantay. Malaha waddanka Soomaaliya ee ay Somaliland oodwadaagtayahiin ee ay iyadu siyaasaddedda faraha kula dhex jirto ayay Somaliland u haystaa. Malaha warka kuwaasu siiyaan ayay xaqiiqdaba kaga hallaabeen. Malaha isku dherarin ayaa ku jirta oo waxa ay isleedahay Somaliland isku tijaabi. Laakiin waxa aan u sheegayaa, Eretria ayaad ka cabaneysee Somaliland ciil baad kala hoyan.

Haddii aanan kugu badin oo aan waxyar Djiboutiyeey Somaliland kaaga sheego, Ingiriiska waddamo badan oo adduunka ah gumeystay, Somaliland waxa uu kala kulmey wax uusan adduunyada kale ku arag. Waxa uu xaqiiqsada in ay tahay waddan maskax ahaan xora, aragtidooda siyaasadeed ka horrayso ama ay u dhigantoa. Waxa saan lagaga saxeexay waxyaabo aanu filaynin in ay dadkani fahamsanyahiin, isaga oo horta horeba xisaabta ku soo darsaday in aan cidna waxba saxeex odhaneynin. Waxa uu dhibaato la’aan kaga tagay waddanka, markii ay shacabku dooneen in uu qunyar iska tago oo maamulka soo wareejiyo. Halkii uu Faransiis ka yeelay Djibouti, halkii uu kaga sameeyey wax aan rag lagu sameyn ee uu ku

sameeyey, Ingiriis Somaliland waxa ay u wada dhaqmayeen sidii lagu heshiiyay, oo wax gumeysi layidhaahdo geedbuu ku laalay.

Waxa ay Somaliland cudud ciidan iyo xal siyaasadeed oo is huwan ku kala tuurtay Soomaaliyadii hore oo ahayd qaran cududiisu Afrika aan looga daba hadli jirin oo kor u kaadji jiray, isla markaana waxa uu faro adag kaga soo qaatay xorriyaddiisii uu ku aaminay balse ay iyadu khayaamaysay.

Waxa uu nabadgalyo kula noolyahay waddamada dariska la ah ee ay geeska ku wada yaallaan. Iska daa dhibaato uu gaadhsiiyo eh, waxa uu ka caawiyaa sugidda ammaankooda. Waxa uu ilaliyaa maslaxada iyo danaha waddamada jaarka ah, si isagana tiisa loo dhowro. Waxa uu cafiyay waddamo badan oo dhibaatooyin ka soo gaadheen. Waxa laga xusi karaa, Soomaaliya, Djibouti iyo waddamada Carabta oo Somaliya gacan saar kula lahayd halakeynta iyo gumaadka shacabkii ku baxay dagaalladii 1988.

Madaxweynaha Djibouti oo aan is lahaa waa siyaasi ruug caddaa ah, balse ay muuqatay in uu yahay warmooge dhageysta mowjadaha qaldan, waxa aan kula talinayaa in uu san sahayan mustaqbalka waddankiisa aannu jecelnahay. Waxa aan u sheegaynaa in uu joojiyo sheegashada dhul ay Somaliland leedahay, oo kala kulmi karo dhibaato uusan ka soo waaqsan. Waxa aan kula talinaynaa in uu san ku soo qaadin aflibaax oo sida looga baxi karo Ilaahay uun ka warrami karo. Waxa aan ugusoo gunaanadayaa in aanu soo dhafin nabadda iyo wada noolaanshaha labada shacab, intaa waxii ka badan Ismaaciiloow maalin kale ayaa leyska waraysan doonaa.

 

Maxamuud Daahir Cismaan

Cilmi Baadhe Arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda ah Baadigoob@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories