HomeDJIBOUTI: Guddoomiyihii Baarlamanka Jabuuti oo maanta Aas Qaran loo sameeyey iyo Wefti...

DJIBOUTI: Guddoomiyihii Baarlamanka Jabuuti oo maanta Aas Qaran loo sameeyey iyo Wefti Dawladda Somaliland u dirtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maxamed BiixiDjibouti (SLpost)- Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa maanta aas-qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arnaud Cali oo Khamiistii ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo xanuun dhinaca Curuuqaha ah lagaga daawaynayey.

Meydka Marxuumka oo diyaarad lagaga qaaday Cusbitaalka uu ku geeriyooday ee magaalada Nairobi, ayaa xalay laga dejiyey garoonka diyaaraha ee magaalada Jabuuti , iyada oo maanta Aas qaran oo madax badani ka qayb-galayso loogu qabanayo magaalada Jabuuti.

Waxaana madaxda ka qayb-galaysa Aaska Marxuumka ka mid ah Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha GWasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiillada Baashe Maxamed Faarax.

Weftiga Xukuumadda Somaliland ee ka qayb-galaya Aaska Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti, ayaa shalay gelinkii dambe ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, in kasta oo aanay weftigu la hadal warbaahinta.

Waxa kale oo isla shalay magaalada Hargeysa ka amba-baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay rafiiq ama saaxiib dhow ahaayeen Guddoomiyihii Barlamaanka Djibouti Allah Ha u naxariistee Marxuum Idiris Arnaud Cali.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda Xisbiga Qaranka oo ka hadlay geerida Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti, ayaa shacabka iyo dawladda Jabuuti ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Idiris Arnaud Cali oo ay ku tilmaameen shakhsi kaalin muhiim ah ka soo qaatay dhismihii iyo horumarka dalkiisa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories