HomeDiyaaradda flyDubai Oo Soo Cago-dhigatay Madaarka Cigaal Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka...

Diyaaradda flyDubai Oo Soo Cago-dhigatay Madaarka Cigaal Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Waxa farxad wayn ii ah in ayanu halkan u joogno bilogii duulimaadyada Diyaarada la yidhaa Fly Duybai.” Saylici

“Qorshe dheer ayaa loo soo maray, ugu dambayntiina waanu ku guulaysanay ALLE mahadii.” Wasiirka Duulista  Dubaifly1

Hargeysa, (SLpost) Shirikada Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee fly Dubai ayaa maanta Duulimaadkoodii u horeeyey ay Diyaaradoodu soo cagodhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Bilowga duulimaadyada shirkada Fly Dubai ayaa loo qabtay Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay goobjoob ka ahaayeen Maareeyaha Guud ee Shirkada Fly Dubai, Ghaith Al Ghaith iyo masuuliyiin sar sare oo shirkadaasi ka tirsan.

Munaasibadaasi oo lagu qabtay Gudaha Madaarka ayaa sidoo kalena waxa ka qayb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno Wasiiro ah, Ganacsto, Aqoonyahan, Culimaa’udiin, Xildhibaano iyo Marti sharf kale.

Wasiirka Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxaanuu yidhi:- “Runtii maanta farxad weyn ayey ii tahay in aanu halkan ku soo dhaweyno Shirikada Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Fly Dubai, oo maanta duulimaadkeedii ugu horaysay ku soo cago dhigaytay dhabaha Diyaaradaha Caalamiga ee Cigaal International Airport ee Somaliland , waxay runtii taasi muujinaysaa kana markhaati kacaysaa In garoonakan oo horena ay uga shaqayn jireen Diyaarado wakhti dheer nagala soo shaqeeyay, oo waliba iminka casriyeeyay diyaaradahoodii, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo Diyaaradihii dadka muwaadiniinta ahi lahaayeen ee Somaliland Daallo, Juba Iyo Africa intaba, dhinac kalena waxan jeclahay in aan halkan uga mahad naqo Diyaarada Ethiopian Airlines oo ah Diyaarad Caalami ah oo Dal aynu walaalo nahay Daris nahay uu leeyahay,”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaas ku daray “ kuwaas oo hore uga shaqaynayey uu maantana ku soo koradhay Diyaarad Caalami ah oo qaaradda Africa ka talowsani oo caan ah oo darajadeeda la yaqaano, waxay muujinaysaa runtii sida uu magaca iyo meeqaamka Somaliland kor ugu kacay, waxa ay muujinaysaa sida uu Garoonkeenani Caalami u yahay, iskamay iman Fly Dubai, Dunida marka Diyaarado Garoomo Tagayaan waxaa la mariyaa imtaxaan dheer, waxa la mariyaa baadhid iyo daraasado badan, qorshe dheer ayaa loo soo maray, ugu dambayntiina waanu ku guulaysanay ALLE mahadii.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Waxa sidoo kalena munaasibadaasi ka hadashay Dr. Aadan Aadan Ismaaciil Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Somaliland waxanay tidhi “ Magaca madaarkan aad baan ugu hanweynahay Maxamed Ibrahim Cigaal, Odaygaygii hore, aad buu inoogu farxi lahaa hadii uu inala joogi lahaa, arkina lahaa inu Madaarkani uu magaciisa sito, madaarkani wuxuu sitaa magaca Madaxweynihii u horeeyey ee Qaran soomaaliyeed oo madax banaan, waxaanu Fly Dubai u soo banadhigayaa Fursado qaaliya, iyo iskaashi. Anigaoo ah Xaaskii hore ee Madaweyne Cigaal aadbaan ugu farsanahay ugu hanweynahay fursada uu ILAHAY maanta ii siiyey inaan halkan idinla joogo.” Ayey tidhi Marwo Adna.

Maareeyaha Guud ee Shirkada Caalamiga ah ee Fly Dubai Ghaith Al Ghaith oo munaasibadaasi ka hadlay ayaaa,waxaa uu yidhi “ Sharaf weyn ayey ii tahay inaan maanta halkan idinla joogo, aniguna in badan ayaan shaqadan ku soo jiray, waa sanadkii 29-aad ee aan ku hawlanaa, shirkadan iyo Emirates-ba, waxaan bilaabay anigoo shan jira ah, laakiin intii aanu duulimaadyo cusub furaynay maan arag soo dhawayn iyo qaabilaad sidan oo kale ah, aad baad ugu mahad san tihiin taas, sidoo kalena aad baan ugu farxaa markaan arko horumarka aad wadankiina ka samayseen anigoo og taariikhda aad soo marten iyo sidoo kalena sida uu dalkeena (Somaliland) ee aynu jecelanahay u soo dhibaatoobay, waa farxad inaan arko Somaliland oo nabad ah isla markaana horumartay taasi aad bay ii soo jiidatay.”Dubaifly

Maareeye Ghaith Al Ghaith, ayaa sidoo kalena intaa ku daray “ in aanu si dhaw u wada shaqayno Wasiirka Duulista oo ay hawl wadeenadayda ka wada shaqeeyeen sidii loo diyaarin lahaa duulimaadyadan , anigu lama yaabani, waanad ku mahad san tahay Wasiir.” Ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray “ waxaanu rajnayaa in duulimaadka toos ah ee Dubai Hargeysa uu sare u qaadi doono dhaqaalaha dalkan kobcaya.”

Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku Simaha Madaxweynaha Md, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isna hadal kooban ka jeediyey xafladaas waxaanuu yidhi “ Runtii maanta dhamaanteen waxa farxad weyn inoo ah in ayanu halkan u joogno daah furkii ama bilogii duulimaadyada Diyaarada la yidhaa Fly Duybai, oo Diyaarad Caalami ah in ay maanta Dalkeenii Garoonkii Caasimadeenii Jamuhuuriyadda Somaliland Cigaal international Airport in ay ka soo degtay oo ay bilow wanaagsan u tahay in ay halkan ka bilowdo duulimaadyo, wax badan ka tari doona runtii isku xidhnaanshaheena ama soo celinta xidhiidhkeenii qadiimiga ahaa ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Emirates,”

Ku simaha Madaxweynaha ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ runtii waxay soo jiidaysaa ama ay noo abuurasaa fursado badan ama in ay dad badan oo ganacsato ah ama dad badan oo dalxiisayaal ah in ay Dalka yimaadaan, adeegyada wanaagsani waxa ay soo jiidaan Dadka maalgashanaya Dalka, Dadka dalxiisaya, waxaa markaa laynooga baahanyahay hadii aynu Dadka Reer Somaliland nahay in aynu cid kasta oo Dalkan imanysa aynu gacmo furan ku soo dhaweyno, adeegyadii kuwaa la midka ahaa ee gudaha haday huteeladii tahay, kor loo qaado adeegyadooda oo ay ku soo dhiiradaan Dadka dalxiisayaasha ah iyo maalqabeenadu, meeshay iman lahayeen ee ay ku nasan lahaayeen in aynu inaguna xageena u diyaar garwno.” Ayuu yidhi Md. Saylici.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories