HomeDiyaarad Ruushka Ku Burburtay Oo Ay Ku Dhinteen Rakaabkii Saarnaa Oo Dhan

Diyaarad Ruushka Ku Burburtay Oo Ay Ku Dhinteen Rakaabkii Saarnaa Oo Dhan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah ayaa waxa ay ku burburtay magaalada Rostov-on-Don, ee waddanka Ruushka, iyadoo halkaana ay ku dhinteen dhammaan 55 qof ee rakaabka aheyd ee diyaaraddaa saarneyd iyo 7-dii shaqaalaha aheydba, saraakiisha ayaa sidaa sheegay.

w2

Diyaaradan FlyDubai Boeing 373-800, oo ka soo kicitintay magaalada Dubai, ayaa waxa ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu isticmaalaan mar uu duuliyuhu iskudayayay in uu soo fariisiyo diyaaradda abaare 3:50 aroornimo waqtiga maxaliga ah ee saaka, waqtigaasi oo xilliga UK aheyd 0:50 ee saq dhexe.

Ma ay cadda waxa sababay burburka diyaaradda, hasayeeshee araga oo aad u xumaa iyo dabeyla xooggan ayaa loo malaynayaa in ay qeyb ka qaateen shilka.

Muuqaal lagu duubay kameerooyinka la socda dhaqdhaqaaqa garoonka ayaa waxa ay muujinayaan qarax iyo holac weyn kaddib markii ay diyaaraddu burburtay.

“Diyaaraddu dhulkey ku dhacday, jabjab ayeyna u kala googo’day” sidaasi waxaa bartooda internet-ka ku sheegay Guddiga Baaritaanka ee Ruushka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda aanay u suuragelin in ay ku degto iskudeygii koobaad ee ay ku caga dhigan laheyd oo ay dul wareegaysay garoonka muddo laba saacadood ah ka hor inta aanay ku burburin iskudaygii labaad.

Inta badan rakaabkii saarnaa diyaaradaasi oo uu duulimaadkeedu ahaa FZ981 ayaa u dhashay waddanka Ruushka, barasaab gobol ayaa sidaasi sheegay.

Sarkaal kale ayaa sheegay in saddex qof oo ajnabi ah ay ku jiraan liiska rakaabka diyaaradda sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.Lix ka mid ah todobada shaqaale ee diyaaraddaasi ayaanan u dhalan Ruushka, sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda xaaladaha degdega ee Ruushka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories