HomeDiyaarad laga leeyahay Dalka Algeria oo ku Burburtay Hawada Sare ee waddanka...

Diyaarad laga leeyahay Dalka Algeria oo ku Burburtay Hawada Sare ee waddanka Mali iyo Meydadka 116 Qof oo la la’yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ugu yaraan 763 qof, ayaa sannadkan oo kaliya ku geeriyooday 12 shilal-diyaaradeed oo ka dhacay meelo kala duwan ee qaaradaha Adduunka ka tirsan, taas oo 498 qof ka badan tirada ku dhimatay sannadkii hore ee 2013 oo ahayd 265 qof.

Cairo (SLpost)- Diyaarad laga leeyahay dalka Algeria ee ku yaala Woqooyiga Afrika oo ay saarneeyeen 116-qof oo rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda isugu jira, ayaa ku burburtay Hawada sare ee Waddanka Mali oo ku yaala Galbeedka Afrika, sida uu xaqiijiyey Madaxweynaha dalka Mali oo shaaciyey in la helay burburkii diyaaradda.

wrechageDiyaaraddan oo ilaa shalay gelinkii hore laga quustay, waxa burburkeeda xaqiijiyey Madaxweyne Ibrahim Boubakar Keita oo sheegay in meelo ku yaala saxaaradaha dalkiisa laga helay qaybo ka mid ah burburka diyaaradda.

Diyaaraddan oo kacday waddanada Galbeedka Afrika ku yaala ee Burkina Faso kuna sii jeedday magaalada Algiers, waxa iska leh shirkadda Diyaaradaha Algeria, waxaanay noqonaysaa shilkii saddexaad ee ay ka dhacan waddamo ku yaala Hawada Sare ee Qaaradaha Afrika, Yurub iyo Eeshiya.

Waxa shilkan ka horeyey masiibadii ku habsatay rakaabkii saarnaa diyaarad laga lahaa dalka Malaysia oo ku burburtay oo ku dul-burburtay hawada sare ee Bariga dalka Ukraine, iyada oo ay ku dhinteen 298 qof oo diyaaradda Sarnaa. Sidoo kale, shalay waxa ku burburay Bariga dalka Taiwan diyaarad ay leedahay shirkadda TransAsia oo ay saarnaayeen 58 qof, waxaana ka badbaaday oo kaliya 11 qof oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen. Marka laysku daro, ugu yaraan 250 qof ayaa ku dhintay labadaas shil, balse waxa tiradaas kor u sii qaadaya 116 qof ee saarnaa diyaaradda laga leeyahay dalka Algeria ee burburkeeda laga helay waddanka Mali.

“Wakhti dhow ayaa lay sheegay in burburka diyaaradda laga helay meel u dhaxaysa Aguelhoc iyo Kidal,” sidaa waxa yidhi madaxweyne Keita xilli uu ku gudo-jiray kulan uu la qaatay madaxda dhaqanka iyo Diinta ee dalka Mali, balse ma sheegin faahfaahin intaas dheer oo ku saabsan shilka diyaaradda.

Diyaaraddan ayaa markii ay muddo 50 daqiiqo ah hawada ku jirtay, ayaa laga mar kaliya laga waawey Adeegga la-socoshada Dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha hawada ee gobolka Galbeedka Afrika, waxaanay saddex saacadood ka dib ku beegnayd inay fadhiisato garoonka diyaaradaha ee magaalada Algiers.

Rakaabka diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay isugu jireen 51 u dhashay Faransiiska, 27 u dhashay Burkina Faso, 8 u dhashay Lubnaan, Lix u dhashay Algeria iyo Shan qof oo u dhashay dalka Canada.

Shirkadda diyaaradaha Air Algries, ayaa sheegtay in jewi duufaanno wata oo ka dhacay saxaaraha u dhexeeya Mali iyo Algeria loo malaynayo inay tahay sababta shilka keentay.

mising plangeDhinaca kale, waxa wali socda baadhitaanno caalami ah oo laga bilaabay goobo ka tirsan Bariga dalka Ukraine oo ay ku dhacday diyaarad laga leeyahay Malaysia oo lagu soo riday gantaal Hawada lagu riday, taas oo sababtay dhimashada 298 qof oo saarnaa diyaaradda oo isaga dhex-gooshaysay waddamada Holland iyo Malaysia.

Ugu yaraan 763 qof, ayaa sannadkan oo kaliya ku geeriyooday 12 shilal-diyaaradeed oo ka dhacay meelo kala duwan ee qaaradaha Adduunka ka tirsan, taas oo 498 qof ka badan tirada ku dhimatay sannadkii hore ee 2013 oo ahayd 265 qof.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories