HomeDiyaarad ku burburtay nawaaxiga magaalada Ugu weyn Dalka Nigeria oo ay ku...

Diyaarad ku burburtay nawaaxiga magaalada Ugu weyn Dalka Nigeria oo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii Saarnaa iyo dad kale (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[L]agos (SLpost)- Diyaarad ganacsi ayaa ku burburtay duleedka magaalada ugu weyn dalka Nigeria ee Lagos taas oo ay ku dhinteen dhamaan 153-kii qof ee la socday iyo dad kale oo ku sugnaa goobta ay ku burburtay, waxaanay noqonaysaa masiibadii ugu weynayd ee dalkaas ku habsata muddo 20 sanno ah.

blankSababta shildan diyaareed keentay ayaa la garan la’aa tan iyo habeenkii Axaddii oo diyaaradda Dana Air ay burburto. Diyaarada ayaa ku dhacday dhismo ku yaala Lagos, waxana ciidamada Bilayska iyo dab-demisku la tacaalayeen daminta dabka diyaaradda nooceedu ahaa Boeing MD83 aircraft.

Booliska ayaa xakameyn waayay tobanaan kun oo qof oo isku soo aruuray halka diyaarada ay ku burburtay, qaar ka mid ah waa ay barooranaayeen kuwa kalena garbadaha diyaarada ay heesteyn.

blankHarold Demuren, oo ah  maamulaha guud ee duulimaadyada Nigeria ayaa sheegay in dhamaan rakaabkii la socday diyaradda ay ku dhinteyn burburka diyaarada.

War-murtiyeed ka soo baxay duqa Lagos waxa lagu sheegay in 153-qof ee la socday diyaarada in ay ka yimaadeyn bartamaha Nigeria’ gaar ahaan Abuja waxana ay ku soo jeedeyn Lagos oo ku taala koofur galbeed.

blankKooxaha gurmadka ayaa ka cabsi qabay in ay jiraan dad dhintay ama dhaawac ah oo ku suganaa dhulka xiliga diyaarada, laakin cidna waxba kuma noqon burburka diyaarada marka laga reebo kuwii saarnaa.

Madaxweynaha dalkaas Goodluck Jonathan ayaa goordambe oo xaley ku dhawaaqay seddax maalin oo baroor diiq ah, taas oo laga hirgalinaayo dalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan Africa.”

blankJonathan ayaa alle u baryay kuwii ku dhintay shirka diyaaradeed, waxana uu rajeeyay qoosaskooda in uu samir kasiiyo dadkii ay jeclaayeen ee ay ku waayeen shilkaas” sida lagu sheegay war ka soo baxay qasriga madaxtooyadda Nigeria oo laga akhriyay Idaacadda dowladda.

blankDadka ku dhintay shilkaas diyaaradeed waxa ku jira ugu yaraan afar muwaadiin oo Shiines ah. sida ay soo warisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua,laakin saxaafaradda Shiinaha ee Nigeria illaa hadda wax war ah oo ku saabsan arrintaas ma helin sida iyana ay soo warisay AP.

blankSi kastaba arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo murugo ay ka jiro dalka ay dariska yihiin ee Ghana, halkaas oo habeenkii sabtida ay diyaarad Nigeria laga lee yahay oo ah Boeing 727 ay ku burburtay Accra, caasimada dalka Ghana, diyaarada ayaa hertisay Bas dhulka ku sugnaa waxana ku dhintay shilkaas ugu yaraan 10-qof .

blankShilka habeenimadii xaley dhacay, waa kii ugu xumaa ee soo mara dalka ku yaala galbeedka Africa, tan iyo bishii September 1992, markaas oo diyaarad military ay dhacday wax yer uun markii ay soo degtay Lagos. dhamaan askari ee saarnaa iyo ehalkoodii iyo shaqaalahii ayaa ku dhintay shilkaas.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories