HomeDiyaar-Garowga Qaban-Qaabada Sideed Iyo Tobanka May Oo Xawli Looga Dareemayo Tog-wajaale iyo...

Diyaar-Garowga Qaban-Qaabada Sideed Iyo Tobanka May Oo Xawli Looga Dareemayo Tog-wajaale iyo Magaalada Gabiley Oo aan Lagaba Hadal-Hayn

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabiley (SLpost)-Magaalo Xuduudeedka Iriqa Ganacsiga Somaliland Iyo Itoobiya ee Tog-wajaale ayaa Maalmahanba si wayn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan oo loogu diyaar garoobayo Qaban-qaabada Sideed iyo Tobanka May ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dhawaan wareegtada ku soo saaray in la wayneeyo Xuska 22 guurada ka soo wareegtay Maalinta la soo noqoshada Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May, taasi oo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Tog-wajaale iyo Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmadaasi ay ku hawlan yihiin sidii loo waynaan lahaa Maalintani.

bacadlaha-Gabiley

Iyada oo Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmada Tog-wajaale ay tallaabadii ugu horreysay ee ay qaadeen ahaa inay dhisme ku bilaabaan Fagaaraha Khayriyada ee Magaaladaasi, Iyada oo shacabka ku dhaqan isla magaaladani ay kuyuu ugu jiraan Xarumaha Dawaarlayaasha ee lagu tollo-dharka, kuwaas oo Iyaguna suuq fiican ka helay oo ay shacabku ka tollanayaan Labisyo ka kooban Sadexda midab ee Calanka Jamhuuriyada Somaliland ee Cagaarka, Cadaanka, iyo Casaanka, oo Wakhti-xaadirkan gabaabsi ku sii ah guud ahaan Magaalada Tog-wajaale.


“Walaal Dadku Iyagaa Iskood u tollanaya Dharkan oo Xarqadahan ayay ku kooban yihiin. Iyagaana naga iibsanaya oo Hooyo kasta iyo Aabo kastaaba Isagaa Ubadkiisa intii mudakarka ahaydba nagu leh u tola oo lacagahooda la baxaya, Madaxa koru ma qaadno oo Magaaladii oo dhan ayaa Kuyuu noo soo gashay, Imikana Xarqadihii ayaaba Maalmahan lanagu qaaliyeeyey oo iskaba sii gabaabsi ah iyada oo Todobaad ka hadhsan yahay 18kii May”. Sidaa waxa yidhi Jaamac Maxamuud (Aduunyo) oo ka mid ah Dawaarlayaasha Magaalada Tog-wajaale.

Waxaanu ku daray Hadalkiisa Jaamac: “Maamulka Dawlada/hoose ee Magaalada Tog-wajaale Iyaga laftoodu waxay naga qandaraaseen Calamaan waawayn in aanu samayno oo ay ka mid yihiin kuwii Gaadiidka lagu jeeni-qaarayay, kuwa la sudhayo Gaadiidka, iyo kuwa Dadku Gacanta ay ku qaadanayaan, iyo waliba kuwa waawayn ee Goobaha Dawlada la sudhayo”. Ayuu ku soo koobay hadalkiisa Jaamac Maxamuud (Aduunyo).

Dhinaca kale waxa aan Iyada laga dareemayn wax dhaq-dhaqaaq ah oo loogu diyaargaroobayo Xuska 22 guurada Maalinta La soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18 May Magaalada Gabiley ee Xarunta u ah Gobolka Gabiley, iyada oo ay Kaabiga soo saran tahay Maalintaasi, isla markaana ay ka hadhsan tahay kaliya mudo Todobaad Casho ah, taasi oo aan ilaa hada wax tallaabo ah laga qaadin Fagaaraha Khayriyada oo ahayd goob Banaan, sidoo kalena aan lahayn meel Xayn-daab ah oo Shacabka ka hakisa Madaxda ka soo qayb-gasha Xuskaasi.

Iyada oo sidoo kalena Iska daa Calamaan cusub oo Shacabka iyo Gaadiidka loo qaybiyee Calankii sudhnaa Xarunta Dawlada/Hoose ee Gabiley oo dayacnaan awgeed la googo’ay isla markaana uu sudhan yahay Birta Calanka Isaga oo Cadceedu dishay, Iyada oo ay ka hadhsan tahay Xuska 22 Guurada 18ka May ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqay Shacabka iyo Maamullada kala duwan ee Dawlada in la wayneeyo Sanadkani oo Xuskeedu sidii hore ka mug-waynaado.

Haseyeeshee Maamulka Magaalada Gabiley ayaa muddooyinkan danbe hawshaa Qaran ee Madaxwaynuhu ugu baaqay kaga mashquulay Qaybinta Raashinkii Mucaawimada ahayd ee Dawlada Turkigu ku caawisay Xukuumada Somaliland, oo ilaa Tobankii Cisho ee ugu danbeeyeyba ku gudo-jiray, kuwaas oo u eeg in aanay hawliba sugaynin.

Inkasta oo Bilowgii hore ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay uu Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi ku dhawaaqay Guddi ka hawl-gali doonta Qaban-qaabada Xuska 18ka May, ayaan ilaa hada aanay jirin Cid hawshaasi ku hawlan.

Walow Shacabka Reer Gabiley ay Iyagu Iskood isku qabanqaabinayaan oo aad arkayso Goobaha Dharka lagu talo Ashkhaas ka tollanaya Labisyo ka kooban Sadexda Midab ee Calanka Jamhuuriyada Somaliland ka kooban yahay.

Wariye Cabdirisaaq Axmed Hayaan/Gabiley

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories