HomeDIWAANKA SAYMAHA SIYAASADDA

DIWAANKA SAYMAHA SIYAASADDA

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Waxa hubaal ah in in-badan oo idinka mid ahi u heeryeysatay sidii ay mar uun uga dhex muuqan lahaayeen saaxadda siyaasadda, waana wax lagu yaqaanno sunnaha nolosha beni’aadamka. Iyada oo ay barbar-socdaan dadaalo kala duwan oo qof kastaa ku badhi-taarayo rabitaannadiisa siyaasadeed ee uu hiigsanayo mustaqbalka dhow iyo ka fogba.

blankWaxa waqtiyo badan la arkaa qof ku dhex jawaha-wareeray majarihii siyaasadda, oo dhegabarjow ageed qarka u saaran inuu waasho, halka kuwo kalena kaba gudbaan xayndaabka beni’aadamnimada, isla markaana u badheedhaan wax-yeelaynta iyo wiiqidda cidda ay is hayaan, iyadoo ay wax kasta kala weyn tahay meel-marinta danahiisa iyo bartilmaameedyadiisa siyaasadeed.

Sidaa awgeed, waxa lagama maar maan ah in bulshada iyo cid kasta oo ku hawlan bad-weynta siyaasadda in loo soo bandhigo mushkiladaha ugu daran ee siyaasadda ku geedaaman, si ay u fududaato inuu qofku ka badbaado mushkiladahaas.

Waxa kale oo diwaankani gudbinaysaa farriin ah; “Ha noqon siyaasi, haddii aanad xal ka gaadhi karayn mushkiladaha siyaasada ee 100 kani ka midka yihiin.” Waxa kale oo muhiim ah; saxaafaddu marka ay ka hadlayso arrimaha cakirma ee siyaasadda la xidhiidha inay mushkiladahan u isticmaasho eray-bixin ahaan, maxaa yeelay qodob kasta oo ka mid ahi waxa uu tilmaamayaa mar-xalad gaar ah..

Waana kuwan diwaankii ee ka bogosho wanaagsan:-

A

1-   Arbush-siyaasadeed

2- Anfariir-siyaasadeed

3- Abaabul-siyaasadeed

4- Asqow-siyaasadeed

B

5- Burbur-siyaasadeed

7- Buuq-siyaasadeed

 

T

8- Tabashooyin-siyaasadeed

9- Turaanturooyin-siyaasadeed

10- Taag-darro-siyaasadeed

11- Tuhunno-siyaasadeed

J

12- Jahawareer-siyaasadeed

13- Jujuub-siyaasadeed

X

14- Xasarado-siyaasadeed

15- Xurgufo-siyaasadeed

16- Xafiiltan-siyaasadeed

KH

17- Khalkhal-siyaasadeed

18- Khibrad-darro-siyaasadeed

19- Khaakhuul-siyaasadeed

D

20- Daal-siyaasadeed

21- Dabinno-siyaasadeed

22- Dadaal-xumo-siyaasadeed

23- Degenaansho la’aan siyaasadeed

24- Duruufo-siyaasadeed

25- Debinyaabyo-siyaasadeed

26- Dirir-siyaasadeed

27- Ducuf-siyaasadeed

R

28- Rafaad-siyaasadeed

29- Ribban-siyaasadeed

30- Rajo-xumo-siyaasadeed

31- Rogmad-siyaasadeed

32- Raran-siyaasadeed

33- Rifan-siyaasadeed

34-Roor-siyaasadeed

S

35- Saluug-siyaasadeed

36- Simbirixisho-siyaasadeed

37- Saxariir-siyaasadeed

38- Seexan-waa-siyaasadeed

39-Soofdaran-habow-siyaasadeed

40- Sadaal-xumo-siyaasadeed

SH

41- Shaki-siyaasadeed

C

42-Ciil-siyaasadeed

43- Cuqdad-siyaasadeed

44- Cabasho-siyaasadeed

45- Cadaawad-siyaasadeed

46- Cudud la’aan siyaasadeed

47- Caqli-xumo-siyaasadeed

47- Cataw-siyaasadeed

48- Cawaaqib-xumo-siyaasadeed

49- Cilmi la’aan siyaasadeed

50- Caadifad-siyaasadeed

G

51- Godobo-siyaasadeed

52- Giriif-siyaasadeed

53- Ga’doon-siyaasadeed

54- Garawshiyo la’aan siyaasadeed

55- Gumaad-siyaasadeed

56- Guhaad-siyaasadeed

57- Gabbasho-siyaasadeed

58- Gardaro-siyaasadeed

59- Gulufyo-siyaasadeed

60- Gabbood la’aan siyaasadeed

F

61- Fadeexado-siyaasadeed

62- Fikir-siyaasadeed

63- Fool-xumo-siyaasadeed

64- Fajac-siyaasadeed

65- fawdo-siyaasadeed

66- Ficil-xumo-siyaasadeed

Q

67- Qas-siyaasadeed

68- Quus-siyaasadeed

69- Qalalaase-siyaasadeed

70- Qadafyo-siyaasadeed

71- Qoon-siyaasadeed

72- Qulqulato-siyaasadeed

K

73- Kacdoon-siyaasadeed

74- Kulayl-siyaasadeed

75- Karkabo-siyaasadeed

76- Kala go’ siyaasadeed

77- Kamiin-siyaasadeed

L

78- Leeleel-siyaasadeed

79- Lur-siyaasadeed

80- Legdan-siyaasadeed

81- Lu go’ siyaasadeed

82- Ligan-siyaasadeed

M

83- Mu’aamarad-siyaasadeed

84- Murug-siyaasadeed

85- Mishqac-siyaasadeed

N

86- Nitaakh-siyaasadeed

87- Nashuush-siyaasadeed

88- Nusqaan-siyaasadeed

89- Nabsi-siyaasadeed

90- Naxli-siyaasadeed

W

91- Wareer-siyaasadeed

92- Walaac-siyaasadeed

93- Wiirsi-siyaasadeed

94- Walbahaar-siyaasadeed

95- Werwer-siyaasadeed

H

96- Hagardmooyin-siyaasadeed

97- Hadanteel-siyaasadeed

Y

98- Yooyootan-siyaasadeed

99- Yididiilo xumo siyaasadeed

100- Yulqan-siyaasadeed

Haddii aad si fiican uga bogateen nuxurka qodobadani xambaarsanaayeen, waxa aad haysataan jaanis ah inaad falanqayn madax bannaan ku samayn kartaa, iyada oo aad adeegsanaysaan aqoontiina iyo waayo-aragnimadiina siyaasadeed.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories