HomeDilla/Gabilay: Waa Nabad Walaal Waa Nabad, Waa Nabad.

Dilla/Gabilay: Waa Nabad Walaal Waa Nabad, Waa Nabad.

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye
Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.
Dir-dir laysu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ee dumarku weerkii sitaan, danabyadii waayay
Debec yaa lahaayeey intaynnu, isugu duulaynno
Uu sida dareemada u yaal, maydku dabadeeda
Kolla doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaanne.
 
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Oy duul walaala ah tahay oo, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
 
                  (Abwaan Cabdilaahi Suldan Timacade)
Marka hore waxaan halkan tacsi uga dirayaa muwaadiniinta iyaga oo dalkooda hooyo ku sugan oo aan wax danbi ah galin lagu laayay deegaanka  Seemaal ee u dhexeeya Gabiley iyo Baki, waxaan Allah uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan Shacbiga reer Somaliland ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan halkan ka canbaaraynayaa dhagarqabayaasha falkan waxshinimada ah ku kacay, waxaanan ugu baqayaa ciidamada aamaanka Somaliland in si degdeg ah gacanta loogu soo  dhigo cadaaladana degdeg loo horkeeno si looga hortago fidno hor leh oo ka dhalata arrintan murugada leh. Waxaanan ku Amaanayaa talaabada degdeg ah ee geesinimada leh ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo uu arrintan uga hawl galay kuna amrray Taliyayaasha ciidamadu inay Geeri ama Nolol mid uun ku keenaan dhagarqabayaasha dilka geystay, degdegna gacanta ugu soo dhigaan.

Intaas ka dib, waxay ahayd 7dii Bishii Koowaad  ee sanadkan 2011 markii ay xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ay ku guulaysatay inay suurto galiso heshiis bilow ah oo nabadeed ay kala saxeexdeen Odayaasha Beelaha Reer Xareed/Jibriil Abokor iyo Odayaasha beesha Reer Maxamuud Nuur ee Samarroon.

Hadii aynu dib u milacsano waxa uu baaqa heshiiskaasi  ay odayaashaasi kala saxeexdeen u dhignaa sidan:
“Annaga oo kala ah odayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, wakiilna ka ah beelaha Reer Xareed iyo Reer Maxamuud Nuur oo ah dad walaalo ah, isla markaana ka dhexeeyo daaq iyo deegaan, waxaannu halkan ku caddaynaynaa axdi iyo ballanqaad in aad daacad ka nahay wadahadalka arrimaha na dhex yaal.

Waxa kaloo aannu ku ballanqaadayna in aan nabadda xidhno, soona celino walaaltinimadii iyo wada noolanshihii caadada noo ahayd.

Sidoo kale, waxa naga go’an in aannu adkeyno nabadgelyada ay dantayadu ku jirto, iyadoo aan si buuxda u taageernay, una oggolaannay baaqii nabadeed ee uu noo soo jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland “

Markii uu Baaqani soo baxay waxaa guud ahaan bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dacalada aduunku ay kusoo dhaweeyeen farxad iyaga oo dareensanaa culyaska ay arrintani lahayd iyo saameynta nabadgalyo ee ay dalkeena ku lahayd mudo Afartan sanadood ka badan, waxaana dadweynaha reer Somaliland ay ku farxeen in markii u horreysay taariikhda ay beelahaasi heshiis nabadeed oo hor dhac oo ku saabsan CeelBerdaale ay qalinka ku duugeen, taasoo amaan balaadhana usoo hoysay xukuumadan talada haysa oo uu Allah ku guuleeyay suurto galinta heshiiskan.

Hadaba iyada oo aynu filaynay in lasoo afjari doono colaadan riiq dheeraatay ee u dhaxaysa beelahan beero qodotada ah ee uu Allah ku wada abuuray deegaanada galbeed, waxaa dhacdadan naxdinta leh ee imika soo korodhay ay xagal-daac ku tahay dedaalkii nabadeed ee la waday, waxaana lagama maarmaan ah in bulshada reer Somaliland ay si wada jir ah uga hawl galaan deminta xiisadan, una hawl galaan in gacanta lagu soo dhigo fidmo walayaasha qaska wada.

Iyada oo aan Kalsooni buuxdo ku qabo Xukuumada Somaliland, isla markaasna aynu ka warhayno in  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ay ka go’an tahay in aanuu wax naxariis u muujin qof kasta oo isku daya inuu fidno ka dhex dhaliyo ama waxyeello u geysta amaanka Somaliland, hadana waxaa lagama maarmaan ah in Odayaasha Dhaqanka, Culimaaudiinka, Haweenka, Dhalinyarada, Aqoonyhanka iyo Qof kasta oo Somaliland u dhashay uu gacan siiyo Xukuumada iyo Ciidama aamaanka sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dhagarqabe kasta oo dil geysta, iyo cid kasta oo nabadgelyada wax u dhimaysa, waxaa loo baahan yahay qof kasta oo Somalilander ahi inuu noqdo Boolis oo uu isha ku hayo cidii wax u dhimaysa ee dhib u geysanaysa wadajirka iyo wada noolaanshaha umada reer Somaliland.

Waxaa kale oo aan  ugu baqayaa dadka ay ka soo jeedaan muwaadiniinta la laayay inaanay qaadin wax talaabo ah, ogaadaana in Allah uu qaddaray wax kasta oo dhaca, muwaadiniinta la dillayna ay dhinteen xilligii uu Allah u qoray inay dhintaan, wax kasta oo la sameeyana aan dib loo soo celin karin, sidoo kalana  aanay marnaba isku dayin in sharciga ay gacantooda ku qaataan, oo ay sameeyaan aargudasho, taasoo ah mid  uu Allah inaga xaaraantimeeyay, waxaana lagama maarmaan ah inay Xukuumada u daayaan, kuna garab siiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagarqabayaashaas, si cadaalada loo hor keeno oo laga jaro danbigan culus ee ay galeen.

Waxaa kale oo aan ugu baaqayaa Taliyayaasha Ciidamada Qaranka, Boliska iyo Sirdoonka Somaliland in ay ogaadaan in dadweynaha Somaliland ay indhaha ku hayaan talaabada ay arrintan ka qaadaan, waxaanan Allah ugu baryayaa inuu ku guuleeyo inay gacanta ku soo dhigaan dhagarqabayaasha cadaaladana degdeg loo hor keeno. Aamiin.

Kaysar Cabdilaahi 
kaysar@europe.com 
Bristol. UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories