HomeDILKII UGU FOOSHA XUMAA EE KA DHACA HARGEYSA: Haweenay Meydkeeda la jar-jaray...

DILKII UGU FOOSHA XUMAA EE KA DHACA HARGEYSA: Haweenay Meydkeeda la jar-jaray oo haddana Dhegar-qabayaashii Dilay Gurigooda ku hoos aaseen

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

news1Hargeysa (SLpost)- Gabadh Ganacsato ah oo muddo toddobaad ah Raq iyo Ruux la la’aa ayaa manta Meydkeedii laga soo saaray dilGuri ku yaala Barriga Hargeysa daaradiisa kadib markii qoyska gurigaas oo ay lacag ku lahayd inta ay Dileen dabadeed inta ay God u qodeen ku Aasay.

Marxuumadda la Dilay oo la odhan jiray Ruqiya Siciid Ayaanle ayay Booliiska Somaliland baadi goobayeen halka ay ku danbaysay kadib markii qoyskoodu muddo shan cisho ka hor ay waayeen, wakhtigaas oo ay qoyskoodu sheegeen in ay Hooyadeed inta ay la soo xidhiidhay u sheegtay in ay lacag ka doonanayso gabadh ay lacag ku lahayd oo ay magaceeda u sheegtay.

Booliiska ayaa markii warbixinta la soo gaadhsiiyey soo xidhay gabadha ugu war danbaysay gabadhaas la waayey kadib-na waxa dhacday in Taliyaha Qaybta Booliiska Barriga Hargeysa oo ay is xigeen carruur ay nin nin ay xigto ahaayeen oo ay kala tageen u dhashay uu Damiintay balse markii qoyskii gabadha la waayey ogaadeen Dacweeyeen Taliyaha kaasoo loo xidhay kiiskaas hase yeeshee markii danbe waxa la soo qabtay Gabadha iyo Carruurteedii oo dhan.

Booliiska ayaa isla markii ay dadkaas soo qab qabteen waxa ay Mobile-kii gabadha la doon doonayey ka heleen Gabadh yar oo ka mid ah Qoyska ay lacagta u doonatay, balse waxa ay qariyeen in ay Xog dheeraad ah sheegaan, Booliisku kamay quusan in ay helaan raadad dheeraad ah, waxaanay isku dayeen labadii maalmood ee ugu danbeeyey in ay Qoyska su’aalo weydiiyaan waxaanay maanta qirteen Dilka Haweenaydaas iyagoo sheegay in ay Meydkeeda ku aaseen daarada gurigooda, halkaas oo ay Booliisku manta ka soo saareen.

Marxuumada la Dilay ayay Booliisku Meydkeeda  keeneen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu baadhayo Nabarada ay u dhimatay ee lagu dhuftay, iyadoo dadweyne farabadan oo dhacdadan la amakaagsani soo buux dhaafiyeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Wararka dheeraadka ah ee ka soo baxaya dhacdadan oo dhif iyo Naadir ku ah Shacabka Somaliland ayaa sheegaya in Gabadha la Dilay oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag ay ahayd Dumarka Haftada ama Hagbadaha ku jira, iyadoo lala xidhiidhinayo mashruucii Jiif oo Jaqdii dhibteedu illaa hada taagan tahana in lacago ay ku lahayd balse dhacdadan imika loo Dilay ay ahayd lacag Toddoba Kun oo Doolar lagu sheegay oo ay Gabadhan Dishay ku lahayd, taasoo isaga dhigtay in ay siinayso balse shirqool Dil ah oo qoysku ka wada qayb qaateen u maleegtay.

Sheekooyin kale oo lala xidhiidhinayo dhacdooyin caynkan oo kale ah ayaa la isla dhex marayaa Hargeysa, waxaanay dad badani manta iyo maalmahanba ku sheekaysanayaan Dumar iyo gabdho kale oo inta sidan oo kale loo waayey lagu  tiriyey in ay Tahriibeen balse dhacdadan manta soo shaac baxday dad badan dareen kale u abuurtay, taasoo keentay in ay dad badani walbahaar dib u galaan.

WMG

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories