HomeDilkii Qorshaysnaa

Dilkii Qorshaysnaa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Alexander Litvinenko Waxay ahaayeen Saaxiib dhaw Madaxweynaha Wakhtigan ee Dalka Rush-ka Vladimir Putin oo ay ka wada Shaqayn Jireen Hay’add Sirdoonka Dalkaas ee KBG, Wakhtigaas oo dhaq-dhaqaaq lagaga soo hor jeeday Madaxweynihii wakhtigaa Boris Yeltsin oo Lagu eedaynayay inuu sabab u ahaa hoos u dhaca Dalka Ruushka wakhtigaa ku yimid isagoo xidhiidh dhawna la lahaa Dalka Maraykanka oo ay KBG Cadaw u arkaysay.

1999 kii Markii Talada Dalka Ruushka uu ku Guulaystay Vladimir Putin Muddo yar intaanu xilkaba Hayn qaabkii Maamulkiisa Waxa si wayn uga biyo diiday Alexander Litvinenko, Waxaanu si toos ah dalka Ruushka uga baxsaday Markii Gabadh Wariye ahayd Anna Politkovskaya oo ka baxsatay Dalka Ruushka ay Sirdoonka khatarta badan ee Ruushku ku dileen Dalka Ingriiska, Wuxuu Aaminay inuu yahay Qofka labaad ee ku xiga ee u qorshaysan in la dilo Waxaanu u baxsaday Dalka ingiriiska isagoo si joogto ah Siro uga faafin jiray.

Sirtiisa aad baa loo qadan jiray iyo warka uu sheego madaama oo dadku ay aaminsanaayeen Litvinenko inuu in badan xidhiidh dhaw la lahaa Putin.

Alexander Litvinenko Wakhtigii uu Joogay Dalka Ingriiska Waxa ka war hayay oo uu xidhiidh dhaw la lahaa Sirdoonka Ingriiska CIA oo siin jiray Lacag 2000 kun ah, bilowgii Sanadii 2006 dii waxa sirdoonka dalka Ruushku qorsheeyeen dilka Litvinenko waxaana loo xil saray Berezovsky.

Berezovsky wuxuu si yar u soo jiitay Litvinenko isagoo u sheegay inuu doonayo inay wada shaqaystaan oo ay bilaaban La talinta Hay’addaha ama Ururada doonaya inay ka shaqeeyaan Dalka Ruushka madaama ay aqoon badan u leeyihiin Litvinenko waxaanu iskaga dhigay nin ganacsade.Berreovsky waxa uu sitaa Kimiko lagu soo farsameyay dalka ruushka oo uu aad ugu badan yahay radhiyayshanku oo loo yaqaan Polonium oo lagu soo farsameyay dalka rush-ka mudana laga shaqayanayay.

Scotland Yard iyo Berezovky Waxay kula balameen Litvinenko Huteelka Caanka ah Millennium hotel iyagoo ku dardaaray inuu wakhtiga adkeeyo madaamay doonayaan inay ka qayb galaan Ciyaarta Champion Leaga 2006 – Arsenal iyo CSKA Moscow ku dhex martay Magalada London taasoo ku dhamatay barbar dhac.Litvinenko Wuxuu ahaa Nin Xishood badan oo Ilbax ah wuxuu goobta balanta soo gaadhay 4:30, Berezovky oo ah Ninka Ruushku u xilsaray dilka sidan suntan Biyaha loogu darayo wuxuu wataa xaaskiisa iyo laba caruura oo uu dhalay, Waxaanu saaray qol xaga sare ah, miiska Waxa fadhiya Labadooda oo qudha waxa yaala Kildhi Shaah ah iyo Laba Koob.

Litvinenko wuxuu ahaa Nin aan Hutelkan Waxba ka cabin madaamuu yahay Hutel Five Star ah isaguna aanu lacag haysan, Wuxuu ahaa Nin inta badan dadka ka xishooda oo aan waxba waydiin arrintana waa laga sii war hayay madaamo kulama hore ay wada qaateen oo fashilmay.

Berezovky wuxuu galay suuliga waxaanu ku maqnaa 10 daqiiqo, Markuu soo noqday wuxuu u sheegay Litvinenko in shaahan isaga iyo saxiibkii loo keenay oo uu badhi ku hadhay waxaanu u dalbay koob dheerad ah, Letvinenko wuu Cabay Shaahii markuu laba jeer kabaday Wuu iska dayay sababtoo ah shaahu wuxuu ahaa qabow, Berezovky waxa ka dhacay culays badan aad buu u farxay madamuu ku guulaystay ujeedaduu u socday intuu kulankii soo gaabiyay buu ku yidhi mar kale ayaynu kulmi ciyartii bay gaadhay, Wuxuu soo daadajiyay Xaaskiisii iyo caruurtiisii, si aan loo dareemin mar labad buu ku soo noqday Letvinenko oo aan meeshii ka kacin ilmo uu dhalay oo 8 jir ah buu ku yidhi aabo salan waa adeerkaye si uu shakiga meesha uga saaro, Waxaanu saacado gudahood kaga dhoofay garoonka diyaradaha ee magalada london.

Litvinenko wuxuu dareemay intuu jidka ku sii socday xanuun aad u badan Waxaanu la xidhiidhay dhakhtiirta waxaana dhawr jeer oo is xiga ku soo boday wadne xanuun (Hear Attac) iyo Faalig baadhitaan ka dib way fahmi wayeen dhakhtiirtu ka dib wuxuu la xidhiidhay bilayska iyo cidamada Sirdoonka ingiriiska oo u dirayay laababka casriga ah ee dalka, Waxaana la ogaaday in Sunta Polonium loogu daray Shaah, Dawlada Ingriiisku waxay ku guuldaraystay inay badbaadiso Levinenko Muddo Saddex cisho ka dib ahna wuu geeriyooday.

Intaanu dhiman waxa laga qaaday Waraysi wuxuu sheegay Dilka gabadha wariyahaa iyo dilal kale oo badan inuu ka danbeeyay Vladimir Putin oo uu yahay nin xun, Waraysigiisa wuxuu ku soo gabo gabeyay ugu danbayntii aniguu I dilay BasterkuMaxkamad ku tala dalka Ingiriiska ay ugu danbayn Xaqiijisay geerida Litvinenkoin in sun lagu dilay, Sirro badan iyo Xog laga helay Dilkii Letvinenko waxa Todobadyadii u dambeyay qaada dhigaysay saxaafada Caalamka xogo dheeraad ah oo laga helay Kamaradaha qarsoon ee Hutelka.

W/Q:Naasir Maxamed Cabdillaahi

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories