HomeDilal mar kale maanta ka soo cusboonaday deegaanka Ceelbardaale, meyd nin la...

Dilal mar kale maanta ka soo cusboonaday deegaanka Ceelbardaale, meyd nin la dilay oo la keenay Cisbitaalka Gabiley iyo taliyaha booliska oo gaadhay deegaankaas

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 Gabiley, (SLpost)- Hal qof ayaa maanta lagu dilay deegaanka Cabdale Sacadka oo ka tirsan deegaanka Ceel bardaale marxuunkaas oo magaciisa la odhan jiray Iid Muuse Kaamil oo ka mid ahaa xoolo dhaqatada ku noolayd jiida deegaankaas kana soo jeeda gobolka gebilay.

Dilka marxuunkan ayaa daba socda falkii arxan darida ahaa ee habeen hore ka dhacay deegaanka Seemaal ee ay ku dhinteen Sadex qof oo aan waxba galabsan.

Warar kala duwan oo naga soo gaadhaya deegaanka Ceel bardaale iyo deegaanada ku teedsan ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ilaa maanta ay gaadhay Sadex qof inkasta oo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisa in tirada dhimashada ka badan tahay halka qof . Warku wuxuu intaas ku darayaa in jewi colaadeed oo xoogan laga dareemayo deegaanadaas ay mashaqadu ka dhacday.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubad oo hor kacaya cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ayaa maanta u ambo baxay deegaanada ay ka dhaceen falalkan dilka ah isla markaana raadgoobaya soo qabashada dadkii fuliyay ama ka danbeeyay dilalkaas lagu khaarajiyay muwaadiniin aan waxba galabsan.

Maydka Marxuunka ayaa isla galabta la soo gaadhsiiyay Magaalada Gebilay halkaas oo qorshuhu yahay in lagu aaso.

Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay dilalka macno darida ah ee soo noqnoqday kana dhacaya deegaankaasi, waxaanay tacsi u dirtay dhamaanba qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaas ay gacanta ka xaq darani dishay, iyadoo ilaahay uga bariday intii dhimatay uu samir iyo iimaan inaga siiyo.

SLpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories