HomeDILA ILAA DELHI – W/Q: Cabdirasaaq Askar

DILA ILAA DELHI – W/Q: Cabdirasaaq Askar

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Waxaan xalay shaashadaha warbaahinta qaar kamid ah ka dheehday; shakhsiga ku magacaaban Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland , oo ka sheekeynayey socdaal uu sheegay inuu ku tagay Qaarada America, Balse u safray Delhi , Goa, Bihaar, Assam , Gujarat iyo Kerala si shakhsi ah.

Haddaba, waxaan isweydiiyey dhawr arimood oo aan jecelahay akhristayaal inaad illa wadaagtaan. Marka uu odaygu meesha soo fadhiistay ee uu warbaahinta u yeedhay , ma war Madaxtooyadu usoo dhiibtay ayuu inoo sheegayey oo ahaa warkii ( sababaha su’aalo loo waydiin waayey madaxweynaha ) mise inuu Delhi tagay ayuu inagu wargalinayey oo uu islahaa dadku ha maqlaan. Waa fool xumo wayn waana mid shacabku aad iyo aad isku weydiiyeen, suaalo badanina ka dhasheen, cid walibana dareen yax-yax leh ay ka bixisay.

Arinta kale ee iyana xusida mudan waxay tahay; Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee Qaranka ayaa badanaa markay safarada dibeda ka yimaadaan ummada uga warama socdaaladoodii iyo cidaha ay la kulmeen, waana mid runtii lasoo dhaweeyo lagana sugaayey inay sidaa yeelaan. Haddaba , shakhsi mansab hoose oo noocan oo kale hayaa inuu kasheekeeyo booqashooyin uu ku tagay Goa, Bihaar, Assam , Gujarat iyo Kerala oo uu waliba uu warbaahinta soo hor fadhiisto waa arin qarankan ugub ku ah oo aan hore uga dhicin, Ceebweyna ku ah Dawladnimadeena. islamarkaana, Madaxda ugu saraysa Madaxtooyada ay ku tahay fadeexad iyo lafjab, sida uu u dhaqmaayo shakhsigan ay Afhayeenka ka dhigteen.

Ciwaanka Magalada dilla ee aan soo qaatay waa meeshii uu ku dhashay DHUXUL (haddase dhuxul maahee dee midabkiisii waa isbedelaye) waa meeshii uu ku dhashay ee uu kusoo barbaaray. Sidaasan DILA illaa Delhi OO meeshuu tagay ah usoo qaatay.

Gabagabadii; Qofka Madaxweyne Qarankan iyo Umadan u noqdaa ha illaaliyo Karaamada iyo Sharafta . tan aynu ka hadlaynaana waa mid sharaf dhac ah. Haddii ay manta dhacday dib yaanay u dhicin madaxweyne. Karaamada qaranka ee amaanada kugu ah Xaqdhawr.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

Hargeysa,Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories