HomeDiiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah looga bilaabay Gobolka Sanaag

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah looga bilaabay Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Ceerigaabo (SLpost)- Guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah gobolka Sanaag uga daahfuray diwaangelinta kaadhka cobixiyeyaasha doorashooyinka ee ka dalka ka qabsoomi doona sannadkan.

Daahfurka Diiwaangelinta gobolka Sanaag, waxa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirrada Wasaaradaha Ciyaaraha, Caddaalada iyo wasiir ku xigeenka wasaaadda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, mas’uuliyiinta guddida doorashooyinka, xubno ka socday xisbiyada qaranka, maamulka gobolka Sanaag, ka degmada Ceerigaabo, guddoomiyaha gobolka Badhan iyo madax kale.

blankUgu horreyn waxa halkaas ka hadlay Maxamuud Daahir oo ka socday guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo sheegay in diwaagelintu kaadhka codbixinta doorashooyinku si rasmi ah uga bilaabantay gobolka Sanaag iyo Badhan, wuxuuna intaas ku daray in ay ka guddi ahaan diyaariyeen shaqaalihii iyo agabkii looga baahnaa goobaha diwaangelinta.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, guddoomiyaha gobolka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar, guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, oo bulshada gobolladaas ka codsaday in ay u soo baxaan diwaangelinta oo ay tilmaameen in ay qiime weyn ugu fadhido gobolladaas iyo guud ahaan qaranka, isla markaana qofkastaa ku soo dooranayo cidi u matali lahayd golayaasha wakiillada iyo deegaanka, waxayna intaas ku daren in diwaangelintu ka qabsoomi doonto degmooyinka Badhan, Dhahar, Laasqoray iyo degmooyinka gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay xubno ka socday xisbiyada qaranka oo sheegay in ka xisbiyo ahaan ay arrintaas ka mideysan yihiin meela uga soo wada jeedaan ayna tahay arrin qaran oo mudan in bulshadu ay doorkeeda ka qaadato.

Wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada Ciyaaraha Boos Mirre Maxamed, Caddaalada Mustafe Godane Cali iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Maxamed Cabdi Maxamuud, oo daahfurkaas diwaangelinta ka hadlay ayaa bulshada gobolladaas u soo jeediyey in ay ka faa’iideystaan muddada ay socoto diwaangelinta kaadhka codbixinta doorashooyinka, waxayna dadka isdiwaangelinaya uga digeen in ayna laba jeer isdiwaangelin si ayna u luminin xuquuq ay leeyihiin, iyaga oo mahad celiyey guddida doorashooyinka qaranka oo ay tilmaameen in hawl baaxadeeda leh ay qaranka u hayaan.

Gebogebadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo sheegay inay diwaangelintu tahay habka ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka isla markaana loo baahan yahay in ay isdiwaangeliyaan dadka uu sharcigu u ogol yahay ee gaadhay da’adii lagu codeynayey, wuxuuna u soo jeediyey dadweynaha ku nool goobaha ay ka bilaabantay diwaangelintu in ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara habsami u socodka diwaangelinta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories