HomeDiiwaan-gelinta la isu barkiyay: Waa dibudhaca Doorashooyinka (Qodobka 4aad ee Dastuurka: Jinsiyadda)

Diiwaan-gelinta la isu barkiyay: Waa dibudhaca Doorashooyinka (Qodobka 4aad ee Dastuurka: Jinsiyadda)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

boobe_newHadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 23aad

Diiwaan-gelinta la isu barkiyay: Waa dibudhaca Doorashooyinka (Qodobka 4aad ee Dastuurka: Jinsiyadda)

  1. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland,
  2. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Somaliland,”

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com

Qodobka 4aad ee Dastuurka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaynu ku daah-furnay qormadan kooban ee Khamiislaha ah. Waa Dastuurkii aynu aftida Qaran u qaadnay 31kii Meey, 2001dii. Waqti ayaa ka soo wareegay, waxaanay ahayd haddii aynu marxalad kaga soo gudubnay in aynu Dastuurka dib ugu noqonno oo sii hagaajisanno. Xaqiiqadu se waxay tahay in ay maalinba maalinta ka dambaysa fulaynnimada iyo habrashaduba inagu sii badanayeen oo aynaan maanta taabashadiisa ku dhicin karin.

Bal Qodobkan dastuuriga ah aan ku noqonno ee saldhigga iyo tix-raacaba looga dhigayo Diiwaan-gelintan Madaniga ah ee la fool-eryayo. Qodobkan 4aad wuxu ina leeyahay oo ku bilaabmayaa: Qof kasta oo u dhashay Somaliland.Isweydiintu waxay tahay marka horeba: Sidee loogu dhashaa Somaliland?Iyada oo aan su’aashaa laga jawaabin ayuu Qodobkan 4aad intaa ku darayaa: Kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland,

Xarafka Isir horto Sa’-du ma laban-laabanto oo in la saxo ayay arrintu u baahan tahay. Ereyga IsirQaamuuska Soomaal wuxu ku macnaynayaa: farcanka ay wadari wadaagto. Isir waxa kale oo loo adeegsadaa wixii dhalan ah ama abuur ah. Waxan aynu afka Ingiriisiga ku nidhaahno ‘Original’, afka Carabigana la yidhaahdo ‘Asal’.

Ereyga Isiroo magac ah waa aynu adeegsannaa, bal se isaga oo fal (verb) mar keliya ayaa la adeegsadaa, waxaana lagu isticmaalaa erey-bixinta xisaabta oo la yidhaahdo Isirreyn.

Sida qodobkan 4aad ee Dastuurkeenna ka muuqata, qabyo badan ayaa ku jirta. Waxay ahayd Qodobkan dastuuriga ahi in uu qornaado: Somaliland waxa muwaaddin ka ah,ka dibna la raaciyo tafaasiisha qofka muwaaddinka noqonaya. Ma aha reerka muwaaddinka noqonaya. Dastuurku wuxu xuquuqda siiyaa qofka muwaaddinka ah isla markaana waajibaadka lagu leeyahay faraa. Dastuurku ama dastuurradu xuquuq iyo waajibaad ma siiyaan reero. Si aad u noqoto muwaaddiin reer Somaliland, marka hore waa in aad noqotaa muwaaddin: magaalo, tuulo, degaan miyi iyo meelaha kale dadku ku uumman yahay.

Sida Qodobkan 4aad, faqraddiisa labaad qeexayso waa in la dejiyaa Xeerkii Jinsiyadda oo tifaf-tiran. Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ah ee Golaha Wakiillada loo gudbiyay, ma aha mid inagu filan. Jinsiyadda iyo muwaddinnimadu waa arrin culus oo tix-gelinteeda iyo qaddarinteedaba mudan. Marka jinsiyadda ama muwaaddinnimada laga hadlayo loogama jeedo warqad aqoonsi oo xawaaladaha lacag lagag qaato ama siyaabo kale loo adeegsadaba. Immika oo aynaan jinsiyad iyo aqoonsi midnaba haysan xawaaladaha lacagta waa aynu ka qaadannaa, carruurtana dugsiyada waa la geeya. Weliba intayada Hebel ama Hebel Hebel loo yaqaannaa tix-gelin gaar ah ayaanu sii leenahay oo ka mudan ta ay leeyihiin dhiggayaga loo yaqaanno Ina Hebel ama Ilma Hebel.

Jinsiyadda ama muwaaddinnimadu xuddun ayay u ahayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa loo rogmaday in dal la yeesho oo lagu abtirsado oo aan marti iyo muwaaddin saddexaad lagu noqon degelkii uu qof waliba ku dhashay kuna soo barbaaray.

Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ahi ma muddaysan oo xilli kuma xidhna. Waa Xeer ay ahayd in aynu hore u samaysanno. Waa Xeer aynu berrina samaysan karno. Maanta waqtigiisii iyo kalkiisii midnaba ma joogno. Hadba salaaddii joogta ayaa la tukadaa. Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ahi uma baahna in aynu ku baaqno in qalabkiisii la keenay. Waxaynu u baahan nahay in aynu diraasad qoto dheer ku samaynno oo eegno bal dadkii aadamaha ahaa ee inala midka ahaa sida ay yeeleen. Intaa ka dib waa in aynu ku darnaa waayo-aragnimadeenna hodanka ah iyo duruufaha gaarka ah ee inagu gedaaman innaga.

Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashu waa mid tifaf-tiran oo tan iyo 2007dii soo korayay soona barbaarayay oo jitaabooyin iyo imtixaannaba galay. Maantana wuxu hor yaallaa Golaha Wakiillada iyada oo wax laga beddelay.

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha doorashada ayaa ku xidhnayd. Immika waxa muuqata in Diiwaan-gelintii Cod-bixiyayaashu baaqanayso, maxaa yeelay xeerka ayaa odhanaya waa in lix bilood doorashada ka hor la dhammeeyaa. Komishankii kheyrka qabay ee la kala diray waxa u qorshaysnaa in ay diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashu socoto Sebtember ilaa Diisambar 2014ka. Waxay ila tahay muddayntaasi waa ka kac sababo badan awgood:

  1. Komishankii doorashooyinka oo la kala diray, kii cusbaana aanu hawl-gelin ee arrintiisu taagan tahay: “Hadal uun baa ka dambayn, muddo aan la garanaynna qaadan doona”
  2. Xukuumadda oo mudnaanta siinaysa Diiwaan-gelinta Madaniga ah oo aanay waxba ka suuro-gelayn, bal se carqalad iyo caris-qalba looga dhigayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha,

Waxay ila tahay in aynu xaqiiqada qaabbilno oo aynaan sidii Gorayada madaxa ciidda gashan. Doorashadii dib ayay u dhacaysaa ee maxaa talo ah? Maxaynu doorashada ka doonaynaa? Waxan aynu u doonayno in aynu helaynno, maxaa u dammaanad ah? Mise sidii ayaynu u dayaysan nahay oo shalay iyo manta waxba kuma kala duwana. Weli ma ambadkii iyo dayowgii ayaynu ku jirnaa? Kuna sii jiri doonnaa?

 

Dhammaad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories