HomeDiinta Islaamka Maxay ka Qabtaa Dabaaldaga Maalinta Jacaylka Adduunka? Qalinkii Cumar Axmed...

Diinta Islaamka Maxay ka Qabtaa Dabaaldaga Maalinta Jacaylka Adduunka? Qalinkii Cumar Axmed Cumar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dhamaan Salaan Umada Islaamka ,wakhriste waxaan doonayaa in aan halkan idin ku soo gudbiyo qoraal kooban oo nuxukiisa yahay “Diinta Islaamka Maxay ka Qabtaa Dabaaldaga Maalinta Jacaylka Aduunka” Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 ee bishaanee ku beegan maalinta isniinta ay dad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!. Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino, waa inaan ogaanaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxuu yahay Valentine’s & halku kaso bilowday & diintu waxa ay ka qabto.

Asalka Valentine’s Day ama maalinta jacaylka aduunka Marwalba oo ay taariikhdu ku beegantahay 14 February waxa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine’s Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaaldagaa maalintaas & magiciisa Valentine maxaa keenay?

Valentine’s Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiran yahay xuskaas diimeed?

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Romanka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno ilaaha haweenka & guurka, maalinta ku xigta oo ah ,15th Feb, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

*Taariikhda Valentine’s Day*

Nolosha wiilasha & gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas, wax yar ka hor u dabaaldagida Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad, wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa inay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaalada uu galayo, wuxuu rumaysnaa in aynan nimanka Romans ka aynan rabin inay ka tagaan jeceelkooda & qoysaskooda, boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuuxuna mamnuucay in la isguursado si ninku unaan u yeelan qof uu ku xirnaado.

Valentine xiligaas wuxu ahaa wasiir dhinaca kaniisadaha & diinta kana tirsanaa dowladii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen,  arintaas daradeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto.

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo la xuso sanad walba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

Qalinkii Cumar Axmed Cumar Qayir

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories