HomeDiiftii, Daalkii iyo Hirdankii Ololuha laga nasay ee Maxaa xiga. Qalinkii Mustafe...

Diiftii, Daalkii iyo Hirdankii Ololuha laga nasay ee Maxaa xiga. Qalinkii Mustafe Abdi Hassan.. Mr Wayrax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliland oo ah wadan aan wali aqoonsi ka helin aduun waynaha ayaa maalmahan waxaa ka socday Udiyaar garowga Doorashada Madaxwaynaha Mustaqbal dhow ee Somaliland.

Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi Qaran, UCID, WADANI iyo KULMIYE, Saddexdan Labba kamid ah waa mucarid Ucid iyo Wadani halka kulmiyena ka yahan Xisiga muxaafidka ah ee talada dalka haya, in kasta oo Madaxwaynaha dalku aanu tartamayn waxaa isna u tartamaya siyaasi ka madax banan xukuumada hada talada haysa.

Iyadoo Somaliland Doorashadani ahayn tii ugu horaysay ee ay gasho, oo ay hore u soo gashay 3doorasho taas oo si aan ka dhicin wadamada Africa Somaliland uga qabsoontay ayaa tii ugu danbaysay waxay ahayd 2010 markii, taas oo u dhaxaysay Sadex xisbi oo kala ahaa. Ucid, Kulmiye iyo Udub.

2010kii waxay ahayd markii ay Somaliland gabi ahaanba ka yaabisay, Aduunyada ha ahaato Dunida Hurumartay( Developmed world)ama Dunida horumaraysa(Developing world)ama Dunida Sadexaad( underdeveloped world), waxay ahayd doorasho si xor iyo xalaal ah u qabsoontay, waxay ahayd doorasho mucaarid ku Guulaystay (Xisbiga kulmiye) kana Guulaystay Xisibi Muxaafid ah, (UDUB) oo si aan ka dhicin wadamada Africa intooda badan uu Madaxwaynihii markaas talada hayay iyo xisbigiisiiba ku aqbaleen Natiijadii ka soo baxday doorashadaas, waa madaxwayne Daahir Riyaale Kaahine.

Hadaba doorashada hadda loo diyaar garoobayo ayaa ah mid la mid ah Doorashooyinkii hore u soo qabsoomay, waxaana hada soo dhamaaday Ololaha loogu jiro Diyaar garowgeeda iyadoo la siiyey 3da xisbiba min 7cisho oo uu ku soo bandhigo siyaasada xisibigiisu ku hagi doono hadii uu ku guulaysto talada dalka kadibna ku hanan lahaa quluubta shacab badan oo Codeeyayaal ah, ama la diyaar ah codkooda in ay kolba xisbigii qanciya ugu codeeyaan una huraan codkooda.

21 kaas maalmood waxaa jiray arimabadan oo u bahan in la xuso runtiina ahaa qaar soo jiitay dhaman Indhaha Aduunyada waxana ka mid ahaa:

  1. Dood Live ah oo dhex martay Saddexda Musharax waa Muse, Abdirahman Iyo Faysale
  2. Dhalin yar aad u farabadan oo si hagar la’aan ah ugu kala adeegayay sadexda xisbi qaran, iyagoon, wax Adduun ah( lacag) ama garasho ah ka rabin xisbiga ay taageerayaan
  3. Aqoon yahano fikirkooda iyo afkaarooda si bilaa xanaf ah meelaha bulshadu isugu timaado ku cabirayay iskuna qanciynay midba midka kale siduu kan kale xisbigiisa u keeni lahaa
  4. Dood kale oo sadexda Madax xisbi ku dhex martay BBCda
  5. Banaan baxyo waawayn oo dhamaan dalka oo dhan ka qabsoomayay xisbi walba malintiisa.
  6. In xisbi walba ixtiraamayay xisbiga kale, oo malintiisa sameecada baabuurta ku rakiban iyo calamada hoos u dhigayay.
  7. In aakhirkii Sadexda musharax oo gacmaha is haysta la arkay oo dad badan u qadan waa ku noqotay

Intaas ka dib waxaa si nabad galyo ah oo aad iyo aad u qurux badan inoogu soo dhamaaday 21kaas cisho ee ololuhu socday shakhsi walbana u tafaxaydnaa sidii uu ugu adeegi lahaa xisbigiisa ugana dhigilahaa kan guulaysta.

Maxaa hadaba inala gudboon intaas kadib?

Waxay ila tahay in wixii hada ka danbeeya loo bahan yahay, in aynu u adeegno Qaranimada Somaliland kana hor marino wax kasta oo gaar ahaanteena ah, wixii ina soo dhex maray ee dacaayad, hadalo xanaf leh iyo dagaal afka ahba leh, oo aan manta ka midha dhalinaa hadafkeena oo ah Guusha SOMALILAND, iyo in Doorashadaasi si nabad ah inoogu dhacdo, dhexdana u xidhanaa in aan ka difaacno wax kasta oo si qaldan u dhacaya, dadkana ku wacdinaa in ay u diyaar garoobaan safafka dhaadheer iyo kulalaylka maalinta doorashada codkoodana ku kala saaraan Musharaxiinta Somaliland ee u taagan Talada Dalka

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories