HomeDigreetooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Xalay soo Saaray oo Bedka Soo Dhigay Khilaaf Huursana...

Digreetooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Xalay soo Saaray oo Bedka Soo Dhigay Khilaaf Huursana oo Madaxweynah iyo ku-xigeenkiisa u dhexeeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeen ku xigeenka Somaliland, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf dibada u soo baxay, kaasi oo sababay in Madaxwayne Siilaanyo safarkiisii maantu galinka dambe u dhaco.

Khilaafka labada masuul oo soo taagnaa intii lagu jiray isku shaandhaynta lagu sameeyay Badhasaabada, ayaa dibada u soo baxay maanta ka dib markii Madaxwaynuhu Maareeyaha Waddooyinka Somaliland uu Magacaabay Masuul ay wallaalo yihiin  Wasiirka Warshada.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo arintaasi ka cadhooday, ayaa goor dhawayd isku dayey inuu shir-jaraa’id ku qabto gurigiisa isla-markaana soo bandhigo nuxurka khilaafka ka dhexeeya Madaxwaynaha, ayaa waxa ergo ahaan ugu tagay Wasiirrada Maaliyadda, Duulista iyo warfaafinta, kuwaasi oo Madaxwayne ku xigeenka ka codsaday inaanu warbaahinta la hadal.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa Wasiirrada ka ogolaaday inaanu warbaahinta la hadal, balse waxa sida la sheegay uu Wasiirrada u sheegay inaanu ka noqonayn mowqifkiisa ah in Madaxwaynuhu ka noqdo xilkaasi uu u Magacaabay ninka ay Wallaalaha yihiin Wasiirka Warshadaha.

Khilaafkan ayaa gaadhay in Madaxwaynuhu safarkiisa Ingiriiska oo galin hore ahaa inuu galinka dambe dib ugu dhaco, inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan inay suurto-gal tahay inuu gabi ahaanba baaqdo safarka Madaxwaynuhu.

Hargeysa/Office

Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories