HomeDifaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo Taageeray Go’aamada Bayaanka Ankara

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo Taageeray Go’aamada Bayaanka Ankara

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ururrada Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyey go’aamada ka soo baxay Shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Somalia ku dhexmaray magaalada Ankara ee Dalka Turkey iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale, ayaa u dhignaa sidan: “Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay soo dhawaynayaan go’aamada shalay ka soo baxay wada-hadaladii u dhexeeyay madaxda labada dal ee Somaliland iyo Somalia, wadahadaladan oo uu marti galiyay Madaxwaynaha dalka Turkiga, oo si rasmi ah uga socday magaalooyinka Stanbul iyo Ankara 11 – 13 April 2013.

hornwatchDifaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay hambalyaynayaan soona dhawaynayaan hogaaminta khibradeed siyaasadeed iyo go’aan qaadashada Madaxwaynaha Somaliland, xukuumadiisa iyo masuuliyiinta uu u xushay ka qaybgalka wadahadalada Turkiga ee metalaya qaranka Somaliland. Madaxwaynaha Somaliland iyo masuuliyiinta uu u xushay shirka Turkigu waxay muujiyeen bisayl iyo siyaasadeed oo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga Somaliland iyo geedi socodka halganka loogu jiro ka midho dhalinta qaran madaxbanaan oo caalamku aqoonsan yahay, go’aanada ka soo baxay wadahadalada Turkiga ee ay wada yeesheen Somaliland iyo Somalia waa qaar u horseedi kara shacabka labada dal iyo guud ahaan manadaqada Geeska Afrika xasilooni iyo deganaansho, sidoo kale bilowga is afgaradka labada dal ee Somalia iyo Somaliland in ay ka wada shaqeeyaan danaha labadooda dal iyo horumarintiisa.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay soo dhawaynayaan in ay labada dal ee Somaliland iyo Somalia aqoonsadaan muhimada ay leedahay iskaashiga xoogan oo ay ka yeeshaan dhinaca Nabadgalyada iyo Sirdoonka, sababta oo ah amaan darada ka dhacda labada dal midkood waa mid khusaysa kan kalana, sidaasi darteed wadaaga labada dale ee ku aadan dhinaca fursadaha tababarada iyo qalabaynta hay’adaha ugu xil saaran labada dal dhinaca amaanku waa mid leh muhimad gaar wakhtigan xaasaasiga ah.

Guud ahaan Go’aanada ku xardhan baaqa Ankara ee 7 qodob ahi waa fariin culus oo Somaliland u dirtay beesha caalamka iyo shirka dhawaan ku qabsoomaya dalka boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo si cad ugu sheegaya in dalka Somaliland uu gaar ka yahay dalka Somalia.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay la dhacsan yihiin heshiisyada dhawaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo la gashay hay’adaha ugu saamaynta badan caalamka marka laga hadlayo dhinaca hogaamiyayaasha caalamka iyo golayaasha lagu sargooyo siyaasada dunida. Talaabadan  waxa aanu u aragnaa mid wax wayn ka tari doonta arimo farobadan sida Maalgashiga Caalamiga ah, helitaanka gargaar aadaminimo, iyo mashaariic horumarineed marka laga yimaado fursadaha siyaasadeed ee ay hay’adaha noocan ahi keeni karaan. Sidaasi darteed, Somaliland shillinka ku baxaa waa mid faa’iido badan soo galinayana dalka

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay xogogaal u yihiin in aanay ahayn qaar lagu khasaaray Safarada xidhiidhka ah ee aan nasashada lahayn ee Madaxwaynaha Somaliland uu hadh iyo habeen ugu jiro danta iyo maslaxada Qaranka Somaliland, isagoo isaga dab qaadaya Hargeysa, Addis Ababa, Iimaaraadka iyo Turkiga oo qaarkood uu ku labo jeer noqonayo,  waxay tani muujinaysaa sida ay uga go’an tahay xaqiijinta iyo hirgalinta masiirka shacabka soo doortay, waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay gaadhsiinta dalka iyo shacabkiisa horumar dhaqaale caafimaad waxbarasho, waxa kale oo ay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay in Dalka Somaliland helo aqoonsi caalami ah.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ka maragfurayaan in mudo ahba dadka iyo xooluhuba waxay ka cabayeen Ceelashii dalka bari iyo galbeedba uu ka qoday Madaxwayne Siilaanyo mudadii koobnayd ee uu talada dalka hayay.

Sidoo kale waxaanu soo dhawaynaynaa una mahadnaqaynaa Madaxwaynaha dalka Turkiga Abdallah Gul iyo xukuumadiisa oo suurtogaliyay qabsoomida wadahadalada dalkiisa ku dhex maray hogaamiyayaasha labada dal ee Somalialnd iyo Somalia.

Ugu dambayntii waxanu soo dhawaynayanaa niyadsami iyo masuuliyad ay muujiyeen Madaxwaynaha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mud. Xasan Sheekh iyo masuuliyiintii xukuumadiisa uga qaybgalay Wadohadalada labada dal ee Somalia iyo Somaliland ku wada yeesheen dalka Turkiga.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories