HomeDifaacayaasha Suxufiyiinta Caalamka ee CPJ oo DUULLAAN Ku Tilmaamay Qufulka Boolisku Ku...

Difaacayaasha Suxufiyiinta Caalamka ee CPJ oo DUULLAAN Ku Tilmaamay Qufulka Boolisku Ku Dhejiyey Xarunta Wargeyska HUBAAL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost/CPJ)- Golaha (Guddida) Ilaalinta iyo Difaaca Suxufiyiinta Dunida ee Magacooda loo soo gaabiyo CPJ ayaa ka hadlay xayiraadii xukuumadda Somaliland kula wareegtay xarunta dhexe ee Wargeyska HUBAAL iyo xadhigii aan Waaranka Wadan ee xabsiga lagu dhigay laba kamid ah Hawl-wadeennada HMN.

CPJ oo habeenkii Isniintii Qoraal ka soo saartay xafiiskooda qaabilsan bariga Qaaradda Afrika oo ku yaalla Magaalada Nairobi waxa ay sheegeen in Dibin-daabyada lagu hayo Xorriyatul-qawlka Somaliland ay cawaaqib xumo dhaxal-siinayso geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland doonayso inay ku hawlan tahay ka midho dhalinteeda. Warbixinta ay Soo saareen guddida Difaaca Suxufiyiinta Somaliland (CPJ) oo Cinwaan looga dhigay ‘Booliska Somaliland oo ku duulay irridahana u laabay Wargays Madax banaan”, waxa kale oo ay ka hadashay amarkii xabsiga lagaga sii daayay Ninkii Weeraray soo weeraray Hubaal iyo Hanjabaadii Cabdillaahi Fadal hawada u mariyey Hawl-wadeennada Hubaal. Warbixintaas oo aad u dheeraydna waxa lagu bilaabay sidan:

hubaal“Ciidammada Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 13-kii bishan December Duulaan ku qaaday xafiiska Jariirada aan habran (Critical) ee HUBAAL oo Maalinle uga soo baxda Hargeysa, sidoo kalena xabsiga u taxaabay laba xubnood oo kamid ah hawl-wadeennadiisa. Waxaana ay amreen (Boolisku) in la damiyo Qalabka isla markaana aan wax caddad ah la daabicin.  Waa markii Saddexaad ee sanadkan [2013] la bartil-maameedsado Wargeyskan”. Ayaa lagu yidhi Qoraalka CPJ ay soo saareen. Mr. Tom waxa uu ka hadlay hab dhaqankii bilayska ee markii ay xarunta HUBAAL galeen, waxaanu yidhi “ Boolisku markii ay galeen xafiiska waxa ay shaqaalaha u sheegeen inay bakhtiyaan telefoonnadooda (Cell-phones) kana soo baxaan xafiiska, waxaanay xidheen Mustafe Maxamed oo Weriye ah iyo Cismaan Axmed oo ah khabiir IT ah, inkastoo laba maalmood ka dib la sii daayay. Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa CPJ u sheegay in xadhig lala raadinayo Maareeyaha HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac oo ay ciidanku ku daba jiraan.  Madaxa Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabada lagu xayiray wargeyska iyo xadhiga lala raadinayo Masuuliyiintisuba ay ka dambaysay kadib markii dhawaan lagu daabacay wargayska warbixino  uu ku dooday in ay lid ku yihiin Amniga, isaga oo dhinaca kale dafiray awoodda dawladnimo ee uu u adeegsaday wargeyska isaga oo maalin ka hor xayiraada Eedo hanjabaad huwan Telefishanka u soo mariyey hawl-wadeennada HMN”.

Tom Rhodes oo ka tirsan xafiiska CPJ ee Bariga Qaarada Afrika  oo isna arrintan iyo hawl-galka lagu cabudhinayo HUBAAL Media Network ka hadlay ayaa sheegay in cabudhinta saxaafadda Somaliland ay Cawaaqib xumo u keeni doonto guulaha la rabo in ay ka gaadho dimuqraadiyadda. “ Somaliland weligeed kuma guulaysan doonto Midho-dhalka dimuqraadiyadda ay doonayso haddii aan  la xoojin xorriyadda saxaafadda sida madaxa banaan dawladda ugu sheegta dhaliilaheeda”  sidaa ayuu yidhi Mr. Tom, Wakiilka CPJ ee Bariga Afrika.

Bishii June markii la xayiray wargeyska waxa xeer ilaalintu dacwad ku soo oogtay  Maxamed Axmed Jaamac [Maareeyaha] iyo Hassan Hussein, Tifaftiraha guud ee HUBAAL xadhig iyo ganaax-na waa lagu xukumay in kastoo Bishii August Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu cafis u fidiyey labadoodaba xaruntiina dib loo furay.

Waxa dhacdooyinkan ka horeeyey in laba nin oo hubaysan wejiyadana qarsaday ay weerareen Hubaal 24-kii bishii April iyagoo dhaawacay gacantana ka jebiyey Maareeyaha HUBAAL. Labadii nin midkood baa Hawl-wadeennadu ku guulaysteen inay qabtaan iyadoo Markii dembe la aqoonsaday in ay labadooduba ahaayeen saraakiil Boolis ah oo weerarkoodu daba socday warbixino HUBAAL si taxane u daabici jiray waqtigaas, kuwaas oo dawladda ku dhaliilaya eexo iyo musuq ka dhan ah Nidaamka sharciga ah.

Ninkii ay qabteen Masuuliyiinta Hubaal waxa ay gacanta ka galiyeen ciidanka ammaanka oo waa la xidhay, laakiin dib ayaa loo sii daayay dhawaan iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin maxakamadina aanay xukun ku ridin.

Guddomiyaha Maxakamada Militariga Brigadier Yuusuf Faarax ayaa ku dooday in aan eedaysane Axmed Xasan Xaashi aanu xabsiga ku jiri Karin wax ka badan 180 maalmood, isaga oo sheegay in uu damiin ku sii daayay Eedaysanaha bilayska ah. Suxufiyiinta Madaxa banaan ayaa 3dii December Isugu soo baxay Mudaharaad Salmi ah oo ay ku diiddan yihiin sii daynta eedaysanaha laakiin Boolisku waxa ay kaga jawaabeen xadhig aan waaran lahayn oo ay lix maalmood ku xidheen Weriyayaal ka mid ah mudaharaadayaashii Shuruuctooda muujinayey.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories