HomeDifaaca Chelsea ee David Luiz iyo Garry Cahill oo diyaar ah Kulanka...

Difaaca Chelsea ee David Luiz iyo Garry Cahill oo diyaar ah Kulanka Final-ka Champions League

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[S]Lpost Sports – Labada Ciyaartoy ee Difaaca kooxda Chelsea, David Luiz iyo Gary Cahil, ayaa ku guuleystay inay ka soo kabtaan dhaawacyadii muddooyinkii u dambeeyey ragaadiyey si ay diyaar ugu noqdaan kulanka finalka Champions League oo gundhig u ah mustaqbalka kooxda ee xilli-ciyaareedka dambe.

blankGuul-darradii 4-1 ay kooxda Liverpool kaga badisay Salaasadii todobaadkan ayaa laga dareemi karaa in haddii ay ku fashilmaan inay ka badiyaan kooxda Bayern Munich 19-ka Bishan ay ka dhigayso in Chelsea ay dibadda ka tahay tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe, iyada oo weli ay u raacdo khasaaraha maaliyadeed ee soo gaadhay kooxda oo dhan £50 milyan.

Haseyeeshee, tabobaraha ku-meel gaadhka ah ee kooxda Robert Di Matteo, waxa uu bilaabay inuu garoonka tabobarka ku soo daro labadan ciyaartoy ee furaha u ah difaaca dhexe maalintii Shalay ahayd.

David Luiz oo isagu ku dhaawacmay kulankii semi-finalka FA Cup ee ay kaga badiyeen 5-1 kooxda Tottenham, ayaa isaguna horumar fiican samaynaya.

Labadan ciyaartoy ayaa la filayaa inay fure u noqdaan difaaca dhexe kulanka ay ku wejahayaan Bayern Munich maxaa yeelay kabtan John Terry iyo Branislav Ivanovic waxa ganaax kaga maqnaan doonaan kulankaas. David Luiz waxa uu ka ciyaari doonaan booskiisii hore ee uu hadda hayo Ivanovic halka Cahill uu beddeli doono John Terry.

Sidoo kale, Cahil ayaan kooxda u safan ilaa kulankii lugta labaad ee ay Barcelona ku reebeen gurigeeda wakhtigaas oo uu dhaawac jilibka ahi soo gaadhay.

In kasta oo aanu shalay ku jirin garoonka tabobarka kooxda, haddana waxa ay u dhawdahay inuu ka qayb-galo kulanka ugu dambeeye horyaalka ee ay la yeelanayaan kooxda Blackburn maalinta Axadda ee todobaadka soo socda.

SLpost News

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories