HomeDibloomaasiyiin reer Galbeed ah oo isaga Dareeray Khudbad Madaxweynaha Iiraan Ka Jeedinayay...

Dibloomaasiyiin reer Galbeed ah oo isaga Dareeray Khudbad Madaxweynaha Iiraan Ka Jeedinayay Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

New York, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad ayaa khudbad uu si kulul ugu weeraray dalalka reer galbeedka, gaar ahaan dalka Maraykanka maanta ka jeediyay xarunta guud ee Qaramadda midoobay, taas oo sababtay in dublamaasiyiintii dalalka reer Galbeedku cadho darteed uga dareeraan madasha, khudbadii oo socota.

blank
Madaxweynaha Iiraan
blank
Dibloomasiyiin reer Galbeed ah

Madaxweynaha dalka Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad, ayaa markii uu bilaabay khudbadiisa isla markiiba si kulul ugu weeraray dalka Maraykanka, oo uu ku tilmaamay mid dunida dhibaato ku haya, waxa uu sheegay in dagaalo iyo dhaqaale xumo uu dunida Maraykanku ku asqaysiiyay, sidoo kale waxa uu si kulul u canbaareeyay doorka taageerada indho la’aanta ah ee dalalka reer galbeedku isla barbar taagaan dalka Maraykanka.

Madaxweyanah dalka Iiraan ayaa khudbadiisan baaq ugu diray dalalka reer galbeedka, oo uu ugu baaqay in magdhow siiyaan dadka ay ku xad gudbayaan iyo wadamada ay dagaalka ku qabsadeen ee ay burburiyeen, noloshoodi, dhaqaalahoodi iyo qiyamkoodi dawladnimo.

blankAxmed Najaad ayaa sidoo kale weeraradii 11-kii September 2001-dii lagu qaaday magaalooyinka Washington iyo New York ku tilmaamay kuwa Maraykanku qorsheeyay oo uu uga dan lahaa sidii uu duulaan ugu qaadi lahaa dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, sidoo kale waxa uu tilmaamay in mugdi ku jiro weeraradaa dhacay 11-kii September 2001-dii, in si madax banaan loo baadhana dunidu u baahan tahay.

Khudbada madaxweynaha dalka Iiraan ayaa markii uu ka hadlay dalka Israel waxa madasha ka dareeray dublamaasiyiinta dalalka reer galbeedka iyo Israel ka fadhiya ee ku sugnaa fadhiga, hasa yeeshee Axmedii Najaad wuu iska sii watay khudbadiisa, waxaanu sheegay In reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriisku ay Israel u haystaan wax muqadas ah, kuna taageeraan dulmi kasta oo ay samayso iyagoo indhaha iska qabanaya xuquuqda umaddaha kale ee gobolka ku dhaqan.

blankWaa markii labaad ee ay dhacdo in dublamaasiyiinta reer galbeedku ka dareeraan khudbad uu jeedinayo madaxweynaha dalka Iiraan Maxamuud Axmedii Najaad, waxaana dhacday in wakhti kale oo uu ka hadlayay xarunta Qaramada midoobay ay ka dareereen dublamaasiyiinta reer galbeedku, isla markaana qaar ka mid ahii ku qayliyeen si aan khudbadiisa loo maqal, hasa yeeshee wuxuu mar walba iska sii wataa canbaarayntiisa aan kala go’a lahayn.

blank

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories