HomeDibloomaasi Maraykan ah oo Caalamka u soo bandhigay Farqiga Doorashooyinka Somaliland iyo...

Dibloomaasi Maraykan ah oo Caalamka u soo bandhigay Farqiga Doorashooyinka Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dr J. Peter Pham oo hore u soo noqday Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Waddamo ka tirsan Woqooyiga iyo Badhtamaha qaaradda Afrika, ayaa beesha caalamka u soo bandhigay Qarnaqsi ku saabsan sida adduunyadu isaga indho-tirayso horumarka iyo Qaddiyadda Somaliland oo iskeed wax u qabsatay iyo Soomaaliya oo ku taagan oo ku taagan taageerada beesha Caalamka.

blank
Dr J. Peter Pham

Dr J. Peter waxa uu gar-naqsigiisa daliil uga dhigtay is-barbardhig u ku sameeyey Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee sannadkan ka qabsoomay Somaliland  iyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliiya oo wakhtigoodu muddo-dhaafay, taas oo loo muddeeyey inay dalkaas ka qabsoomaan dhammaadka sannadkan.

Dibloomaasigan oo xilligan xubin ka ah Atland Council oo ah Gole lagu falan-qeeyo Arrimaha Caalamka  ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Ammaanka, waxa uu isbar-bardhig ku sameeyey Xaddiga Dhaqaalaha ku kala baxaya iyo Meeqaamka Doorashooyinka labada waddan oo uu kaaf-iyo-kala dheeri ku tilmaamay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u shaacisay inay Doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxweynaha ku baxayso lacag dhan $29Milyan oo Beesha Caalamku bixinayso iyadoo nidaamka doorashadu yahay mid dadban oo xulasho ah. Halka Doorashooyinka Somaliland oo shacabku gacantooda ku doorteen mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka oo ay ku baxday $20Milyan oo inteeda badan laga bixiyey Miisaaniyadda Dowladda.

Haddaba Dr Peter oo qoraal uu kaga hadlayo kaaf-iyo-kaladheerida labada doorasho ku baahiyey bartiisa Twitter, ayaa yidhi, “Soomaaliya waxay u baahan tahay $29M si ay u qabsato doorasho dadban oo waqtigeedii dhaaftay, taas oo haddii wax waliba u dhacaan sida la qorsheeyey, ay dawladdu ku darsan doonto $1 M oo keliya.”

“Taas cakiskeeda waxa ah in Somaliland ay qabsatay doorashooyin baarlamaan & deegaan oo toos ah bishii May taas oo ay baxday $20M oo $15M ka mid ah Dadkeedu Bixiyeen.” Sidaas ayuu yidhi Dr Peter.

Gar-naqsiga Dibloomasigani isku barbardhigay labada doorasho, ayaa daba-socday codsi Dowladda Soomaaliya dhawaan beesha caalamka ugu dirtay taageero dhaqaale oo Doorashada lagu qabto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Ururka Jaamacadda Carabta ka dalbatay caawimo maaliyadeed oo dhan $12milyan oo ka mid ah $29 Milyan oo la qorsheeyey inay ku baxayso qabsoomidda Doorashooyinka muddo-dhaafay ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa toddobaadkan sheegay in ururka Jaamacadda Carabtu oggolaaday taageero dhaqaale oo dhan $12 Milyan oo dowladdiisu ka codsatay.

Somalilandpost.net

contat@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories