HomeDiblomaasi Sharaxay Ahmiyada Uu Wasiirka Khaarajigu U Leeyahay Safarada Dibada Ee Madaxweynaha...

Diblomaasi Sharaxay Ahmiyada Uu Wasiirka Khaarajigu U Leeyahay Safarada Dibada Ee Madaxweynaha Iyo Faa’iidada Uu Wasiir Sacad U Lahaa Safarka Kuwayt

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Geeska)-Inta la ogyahay taariikhda markii u horaysay, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka tagay wasiirka arrimaha dibadda, isagoo u baxay dal dibadda ah oo u soo diray martiqaad rasmi ah, sida ay madaxtooyada Somaliland sheegtay.

Siilaayo mmmm

Madaxweynaha ayaa jooga dalka Kuwayt oo uu boqorka dalkaasi si rasmi ah ugu martiqaaday, isagoo shalay kulan ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal madaxweynuhu la yeeshay boqorka Dalka Kuwayt Sheekh Sheekh  Sabaax Al-Axmed Al-Jaberi Al-Sabaax.

Laakiin weftiga Madaxweynaha waxaan ka mid ahayn oo weliba Hargeysa jooga wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, bedelkiisana waxa madaxweynaha weheliya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo  maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-xoor.

Sababta uu wasiir Sacad uga mid noqon waayay weftiga Madaxweyne Siilaanyo, isagoo weliba ku sugan caasimadda, ayaa waxa ay rayul caamka ka dhex abuurtay inay su’aalo badan isweydiiyaan.

Haddaba, Diblomaasi ka gaabsaday in magaciisa la sheego, ayaa wargeyska Geeska Afrika u sharaxay ahmiyada uu wasiirka khaarajigu u leeyahay safar kasta oo uu Madaxweynuhu dibadda ugu baxayo, waxaanu Madaxweynuhu wasiirkiisa khaarajiga u kaxaystaa safar kasta oo uu dibadda ugu baxayo oo shaqo, “Waa haddii aanu labadooda [Madaxweynaha iyo wasiirka] ka dhaxayn khilaaf xagga fikirka ahi.” ayuu yidhi diblomaasigani.

Wuxuu diblomaasigani, falanqayntiisa ku soo ururiyay afar qodob, waxaanu isagoo sharaxaya ahmiyada wasiirka arrimaha dibadda uu  yidhi “Haddii aanu wasiirka khaarajigu la socon yaa hadhoow dabo-gal ku samaynaya waxyaabaha ay madaxweynaha iyo madaxda kale ka wada hadleen ama ku heshiiyeen.” ayuu yidhi, waxaanu isagoo sharaxaya sida ay u tahay in wasiirka khaarajigu safarada dibadda Madaxweynaha ku weheliyo uu ku qodobeeyay sidan hoos ku qoran:

1. Waxa dawladda loo tagayo xidhiidh la sameeya oo casuumadda la soo mariyaa wasiirka khaarajiga oo markaas diyaariya safarka iyo weftiga raacaya madaxweynaha

2. Waxa kulmada la geli doona diyaaraiya wasiirka khaarajiga

3. Waa in wasiirka khaarajigu ku weheliyaa dhammaan shirarka rasmiga ah ee uu madaxweynuhu galayo

4. Madaxweynuhu haddii safar rasmi ah uu dibadda ugu baxayo waa inuu raacaa wasiirka kharajigu, hadidi aanay jirin khilaaf xagga fikirka ah oo u dhexeeya labadooda oo la xidhiidha arrimaha loo baxayo.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa intii la magacaabay aan weli safar rasmi ah dibadda u raacin madaxweyne Siilaanyo, waxaanu diblomaasigani isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Wasiir Sacad waxay u noqon lahayd fursadiisii ugu horaysay ee uu ku weheliyo madaxweynaha safar rasmi ah oo dibadeed, waxaanu ka heli lahaa waayo aragnimo iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo muhiim u ah gudashada shaqadiisa.”

Si kastaba ha ahaate waa markii u horaysay ee Madaxweyne Somaliland ah oo dibadda u dhoofayaa uu ka tago wasiirkiisa arrimaha dibadda oo dabcan masuul ka ah siyaasadda dibadda ee Somaliland, iyadoo uu weliba Wasiirkani muddo dhawr bilood ah xilka hayay.

Si kastaba ha ahaate, jawaabta su’aashan ayaa u muuqata inay noqotay mid hal-xidhaale ah, waxase la sugayaa in Madaxweynaha iyo wasiirkiisa khaarajigu ay umadda u kala cadeeyaan  nooca uu yahay socdaalka Madaxweynuhu.

Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories