HomeDiblomaasi Maraykan ah oo Indhaha Caalamka ku soo jeediyey Somaliland

Diblomaasi Maraykan ah oo Indhaha Caalamka ku soo jeediyey Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ku-xigeenkii Xoghayihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, noqdayna Safiirka Maraykanka ee Dalalka Guinea iyo Itoobiya Ambassador Tibor Nagy, ayaa ka hadlay Faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

blank
Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray Dalalka Guinea iyo Itoobiya Tibor Nagy

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxda Dawladda Soomaaliya sii wadayaan khiyaamada ay ku sameeyeen Beesha Caalamka, ka dib markii Muddo-kordhin loo sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo muddo-xileedkiisu dhamaaday bishii Februay ee sannadkan 2021.

Nagy waxa uu qoraalkiisa ku yidhi, “Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho, laakiin Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa mar kale khiyaameeyay bulshada caalamka, iyaga oo kordhiyay Muddo-xileedka Farmaajo”

Nagy oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka dayriyey aaminaad la’aanta siyaaaseed ee Madaxda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in haddii ay sii socoto keeni doonta Cawaaqib xumo.

“Way sii wadi doonaan (Khiyaamada) ilaa ay ka dhalanayaan cawaaqib dhab ah” ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey in Bayaankii Somaliland ka soo saartay Xaaladda Soomaaliya ee xilligan aanu ahayn oo keliya Bayaan, balse Somaliland tahay mid hagaagsan.

“Bayaannada Somaliland, ma aha Bayaan oo keliya, balse waxay u muuqataa mid hagaagsan oo ka wanaagsan Soomaaliya,” ayuu yidhi Tibor Nagy.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories