HomeDib U Micliso: Xusuuta Weedho Uu Rayaale Ku Ganay Xisbiga KULMIYE Wakhtigii...

Dib U Micliso: Xusuuta Weedho Uu Rayaale Ku Ganay Xisbiga KULMIYE Wakhtigii Ololihii 2010

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa khudbadihii uu Madaxweynihii hore   Daahir Rayaale Kaahin jeediyay maalmihii ugu dambeeyay ee ololihii doorashada madaxtooyada ee lagaga guulaystay, taas oo sawir ka bixinaysa xaaladda uu dalku maanta marayo oo ah inay qabyaaladii soo noolaatay.

img_bada14-bbd47c-7f8b5c-39715d-468f37-e539f3

Xaaladda ay maanta Somaliland marayso ayaa ah in eedaha siyaasiyiinta Somaliland ay salka ku hayaan arrimo qabiil, waxaana mararka qaar la arkayaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo muxaafidka ah oo qaab qabiil u wada doodaya. Waxaana muddooyinkan dambe batay shirar beeleedyadii oo hore u suulay balse hadda u muuqda inay soo noolaadeen.

Haddaba, Daahir Rayaale wuxuu khudbadan jeediyay 13 June 2010, waxaanu ka hadlay fagaaraha khayriayda Ceerigaabo, isagoo maalintaas uu xisbigii UDUB u lahaa ololihi doorashada. Daahir Rayaale wuxuu khudbadan ku sheegayaa inaanay Somaliland u baahnayn hoggaamiye u kala abtiriya balse ay u baahantahay hoggaamiye u taliya oo u xaqsoora, waxaanu iska difaacayaa eeddo uu xisbigii KULMIYE u jeedin jiray. “Aniguna ummadan waxbaan ugu dhaartay oo aan u ballan qaaday markii xilka la ii dhiibay, inaan dalkan isku dhamaystiro oo aan dadkiisa isku wada keeno oo sinaan iyo caddaalad wax loogu qaybiyo, ninka dalkan isku dhamaanshihiisa diidan ee doonaya inta wada joogtana in la kala kexeeeyo, ma kaasaa lagu aamini kara xil ummadeed, waa maya.  Madaxweyne qaran waa ummada inuu isku hayo u jeedada ugu wayni waa taa, Itoobiya ayaa tilmaan inoo ah, Jabuuti ayaa tilmaan inoo ah, dad kala dhaqan ah oo kala af ah ayaa ku nool oo dawlad wada ah, waar inagoo halkan ka wada tafiiranay inaan dawlad wada noqono oo la kala guro ragga ololahooda ku darsanayaa ma Somaliland bay rabaan aynu is waydiino, ma rabaan ayaan leeyahay.”

ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Isagoo ka jawaabaya eedihii xisbiga KULMIYE ee ahaa inaanu Daahir Rayaale waxba qaban wuxuu yidhi “Waxaan maanta idiin sheegayaa hadday saaxiibaday yidhaahdaan waxba lama qaban, horta aniga ayuun baa wax qabtay, iyagu aflagaado iyo hadal bay shubayeen, waxqabadka kuma tartamayno, hadday cidi wax qabatay xukuumadda joogtaa wax qabatay, hadday tayada ciidanka oo la dhiso, maamulka oo dalka la gaadhsiiyo.” Daahir Rayaale, wuuxu khudbadiisan ku sheegayaa hadal hays noqday oo ay dad badan oo reer Somaliland ahi weli xasuustaan, waxaanu yidhi “Somaliland 2002-dii ololihii ugu horeeyey ayaa nin xisbiyada mucaaradka ku jira oo si kale u hadlaya ayaan habeen arkay oo kelmad hal hays noqotay ayaan u soo jeediyey, markaa isagu hoos buu ua yara hadlaayey ana Somaliland ayuun baan ka hadlaayey, waayo madaxweyne haddaan rabo Somaliland ayaan ka hadlayaa, waxaan idhi Somaliland cid u talisa ayey u baahan tahay ee cid u abtirisa uma baahna, Somaliland ninka qaran rabaa inuu u abtiriyo maaha, waa inaan wadajirkaa ku wada wadnaa wax wada yeelayaan.  90 qoomiyadood oo kala af ayaa Itoobiya ku nool Itoobiya dawlad kaliya weeyi, Jabuuti waxa ku nool dhawr qoomiyadood waa dawlad kaliya, inagoo halkan Sanaag ka soo wada tafiiranay  waxaynu la kala warwareegnaba nacasnimo ayaan u arkaa, waa inaynu dadkeena isku haynaa, waxa inoo ballan ah insha alla idinka ayaa guusha haya codka UDUB inaad ku hubsataan ayaan anigu ku talinayaa, nabad buu dalkani ku socday muddadii aan joogay, is ogolaanshuu ku socday, dulqaad baanu ku wadnay, waananu ku sii wadi doonaa insha alla oo aad codkiina na siisaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories