HomeDhulka u Naxariiso, Si uu Cirku Kuugu Naxariisto

Dhulka u Naxariiso, Si uu Cirku Kuugu Naxariisto

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Arxam fil ardi, wa yarxamuka fil samaa’ (Dhulka u Naxariiso, Si uu Cirku Kuugu Naxariisto). Xikmada ku jirtaa waxaa weeye u naxriiso cidda aad ka awood badan tahay, si uu Ilaahay kuugu naxariisto; kuywa uu awooda siiyayna uu ugu jiheeyo inay kuu naxariistaan ileen isagaa (Ilaahay) wax walba awoodee.

Hadaba, inagoo taas rumaysan oo og in Ilaahay hadalkiisu biyo kaba dhibcaan yashay, bal dib isugu noqo sida aad ula dhaqanto cidda aad kaga awood badan tahay xukunka, shaqaale aad xukunto ama kuu shaqeeya, ooridaada, caruurtaada, waalidkaagag gaboobay, dad xanuunsanaya, danyarta ay ugu horreeyaan ehelkaaga iyo jaarkaaga, kuwa aad dhaqaale, aqoon, caqli ama itaal ku dhaanto. Hadii aad u naxariisan waydo inuu Ilaahay kugu salidayo qaar kaa awood badan oo aan kuu naxariisan.

Weli ma u fiirsatay rag markay suuqa joogaan dabeecad fiican, oo marka caruurtooda ama xaaskoodu la hadasho aad moodayso inuu cadaw qabtay oo jidhka is-gelinaya. Mase aragtay sarkaal dadka xafiiskiisa booqda iyo madaxdiisa u raxlaynaya shaqaalahana aan salaanta ka qaadayn.

Dib aynu isugu noqono oo ay qiimayno sida aynu ugu naxariisano xoolaha aynu dhaqano marka aynu dhaqayno ama dhoofinayno. Weli ma aragtay xoolaheena marka baabuurta lagu  rarayo sida loo garaaco, ee xataa ul iyo qori daba laga geliyo (Allaw magantaa).

Weli ma aragtay baabuurta lagu raro xoolaheena ee geela la fadhiisiyo sagxad bir ah oo jilbaha adag ee geelu aanay xamilayn, balse ilaa Berbera lagu wado; iyo lo’ada sagxada birta ah lagu diso ee marba geesaha isla galaysa ee isku cabudhaysa ee qoraxda ay gaawidhu taagan tahay darawalkiina uu hadh ku qayilayo ee uu biyo qabaw cabayo, ee uu neecow isu dhigayo (Xusuusnoow inuu Ilaahay ina wada abuuray inaga iyo xoolaha).

Weli ma aragtay sida ay caruurteenu dhagaxa ula dhacaan ayda iyo bisadaha aan waxba galabsan ee WIIQDA haya marka uu dhagax ku dhacaba.

Weli ma dhugatay, sida dameeraha aynu manaafacaadsano aynu ku karbaashno, ee aynu u saarno culaysa aanay qaadi karayn, ee mararka qaarkood nabar loo yeelo si ay damqadaan oo ula cinqadaan culayska aanu gaadhi qaadi karayn ee lagu tiiriyo. Mase jaleecday dameero sidii culays loogu teedinayay lkug ka jabay ama intuu gaadhi jiidhay magtiisii ninkii lahaa qaatay oo dameerkii oo naafo ah lagu si daayay suuqa.

Wligaa miyi ma tagtay oo ma aragtay caruur xoolhihii caanaha looga lisayay ul iyo bud ku garacaaya, ileen waalidkiibuu ka arkay ama isagaaba sidaa loo garaacaa, isagoo/iyadoo maanta dhan xoolaha la joogay/joogtay.

Ilaa aynu u naxariisano inta inaga tamarta daran, inta inaga tunka wayn yaynaan naxariis ka sugun.

Axmed Maxamed Diiriye

Nayroobi, Kiiniya

ahmedmdiriye@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories