HomeDhul-gariir ka dhacay meel u dhow Xeebaha Dalka Soomaaliya (DAAWO SAWIRRADA)

Dhul-gariir ka dhacay meel u dhow Xeebaha Dalka Soomaaliya (DAAWO SAWIRRADA)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bosaaso (SLpost)- Dhul-gariir Cabbirkiisa lagu qiyaasay 4.9 Halbeegga lagu cabbiro dhul-gariirka, ayaa Salaasadii shalay gelinkii dambe abbaaro 4:30-kii ka dhacay Biyaha Gacan-ka Cadmeed, gaar ahaan meel u dhow Xeebaha Dalkaasi Soomaaliya.

dhul-gariirSida ay shaacisay Xarunta Macluumaadka Dhul-gariirrada Heer Qaran ee dalka Maraykanka, Dhul-gariirka, ayaa ka dhacay meel u dhow Xeebaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaanay masaafo dhan 126KM dhinaca Woqooyi ka xigtaa magaalada Bereeda oo ah halka uu ku dhamaado Cidhifka Geeska Afrika oo ka tirsan deegaannada Puntland, halkaas oo ah meesha ugu dhow goobta dhul-gariirku ka dhacay.

Macluumaadka iyo Xogaha ay baahisay Xaruntan, ayaa lagu sheegay in dhul-gariirku ka dhacay meel badda hoosteeda ah oo oogada sare ee badda u jirta masaafo dhan 10KM.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul-goboleedka Puntland, ayaa goobta Dhul-gariirku ka dhacay u jirta 286km, halka magaalada Mukalla ee dalka Yemen ay u jirto 276KM. Haseyeeshee, khasaare ka dhashay dhul-gariirkan oo ah 4.9 Magtitude oo ah halbeegga dhul-gariirrada lagu cabbiro.

GUJI SAWIRKAN SI AAD U WEYNAYSO

dhul-gariir2Ubucda Dhul-gariirka, ayaa ah meel ay ku kala-baydhaan Biyaha Badda ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waana marin mashquul ah oo ay maraan maraakiibta Ganacsi ee inta badan ku safra Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Ilaa Immika ma jiro faahfaahin ku saabsan Dhul-gariirka iyo inuu saamayn ku yeeshay Xeebaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Xeebaah Dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ah ee ku teedsan badweynta Hindiya, ayaa dhibaatooyin ka soo gaadheen dhulgariirkii Tsunami oo ka dhacay badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow dalka Indonesia, kaas oo galaaftay nolosha Boqolaal kun oo qof, kaddib markii mowjadaha baddu ku fataheen waddamada kulaalaya Badweynta Hindiya oo Soomaaliya ku jirto.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA…..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories