HomeDhoolla Caddaynta Hoggaamiyeyaasha Dunidu Waxa Ay Ku Salaysantahay Dhaqanka Bulshadooda

Dhoolla Caddaynta Hoggaamiyeyaasha Dunidu Waxa Ay Ku Salaysantahay Dhaqanka Bulshadooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (Slpost)- Inta badan marka ay hoggaamiyeyaasha dalalka kala duwani kulmaan waxyaabaha dhaqso loo dareemo waxaa ka mid ah kala duwanaanshiyo dhinaca anshaxa iyo hab-dhaqanka ah oo dadka badankoodu fahmi waayaan ama xitaa mararka qaarkood uba fahmaan in labada hoggaamiye midkood kan kale xaqirayo ama aanu kulankiisa ku faraxsanayn, wax yaabaha sida aadka ah loo dareemo waxaa ka mid ah dhoolla caddaynta oo laga yaabo in labada hoggaamiye ee kulmaya midkoodna si aad ah ilkaha illaa gawsaha dibnaha ka faydo marka uu dhoolla caddaynta ku soo dhoweynayo dhiggiisa, halka ka kalana in yar oo muusood ah uun debnihiisa laga dheehanayo.

obama and china

Arrintan oo dad badan si qaldan u fasirtaan ayaa haddaba waxaa dhowaan baadhis cilmiya ku samaysay  Jen Tsai oo ah haweenay cilmibaadhe ah oo ka tirsan qaybta Cilminafsiga ee jaamacadda Standford ee dalka Maraykanka, waxa aanay ogaatay in guud ahaanba hab-dhaqanka ay hoggaamiyeyaasha dunidu u macaamilaan, gaar ahaan sida ay u dhoolla caddeeyaan ay aad ugu xidhan tahay dhaqanka dalkooda. Jen tsai waxa ay sheegtay in kala duwanaanshaha qiimaynta dhoolla caddayntu uu mararka qaarkood sabab u noqdo mushkilado diblumaasiyadeed iyo isfahmi waa oo ka dhex qara dalal iyo hoggaamiyeyaal isugu yimid in ay ka wada xaajoodaan ama xal u helaan mushkilad ama ismari waa u dhexeeyey.

Tusaale ahaan dalka Maraykanka siyaasiyiintu waxa ay ku dadaalaan in dhoolla caddayntoodu noqoto mid ballaadhan, laakiin dhiggooda qaaradda Eeshiya gaar ahaan Shiinaha iyo Taywaan waxa ay isticmaalaan dhoolla caddayn miskiinnimo badani ka muuqato. Sababtuna waa dhinaca dhaqanka ee labada bulsho ku kala duwan yihiin. Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey majaladda Emotion waxa ay intaas ku dartay in qosolka siyaasiga ama murashaxu aanu qofka tusayn uun muuqa wejiga oo keliya, balse uu tilmaam u yahay dhaqanka uu ka soo jeedo, iyo akhlaaqdiisa.

Cilmibaadhistan Tsia waxa ay xoogga saartay in ay is barbar dhig ku samayso macnaha iyo xikmadda ku duugan deymada iyo dhoolla caddaynta hoggaamiyeyaasha kala duwan ee dalalka dunida, waxa aanay ogaatay in bulshooyinka marka horeba xamaasadda iyo caadifadda badan lagu yaqaanno hoggaamiyeyaashoodu ay si aad u ballaadhan u dhoolla caddeeyaan, halka bulshooyinka xasiloonida iyo deggenaanta qaddarisa ay hoggaamiyeyaashoodu jecel yihiin in ay mar kasta muujiyaan deggenaan, kibir la’aan iyo qosol muusood debnaha ah ku kooban. Ugu dambayntiina cilmibaadhistani waxa ay ku soo ururaysaa in dhoolla caddaynta aynu ka aragno madaxda dunidu marka ay inooga soo muuqdaan talefishannadu aanay u kala duwanayn heerka farxaddooda iyo furfurnaantooda shakhsiga ah ama xidhiidhka labada hoggaamiye, balse ay ku xidhan tahay dhaqanka bulsho ee ay kala soo kala jeedaan.

Xigasho geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories