HomeDhisme Cusub oo Xadhiga laga Jarey – W/Q: Ceelaabe

Dhisme Cusub oo Xadhiga laga Jarey – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxqabadka Dawliga ah Markaad eegto Kulmiye wuu kaga wanaagsanyahay Xukumadii isaga ka horeysey,Dedaal,Dayactir ama Dhismayaal kala duwan oo u baahnaa in gacanta la saaro,Wax laga badalo ama lagaba guuro Ayuu ku talaabsadey.Marka waxqabad laga Hadlaayo arimo badan Ayaa soo hoosgalayaa,Hase ahaate dadku waxa ay waxqabad ama horumar u yaqanaan arimo kooban ama ninkastaba Marka wixii uu doonaayo wax laga qabto Ayuun buu odhanayaa imika Ayaa horumar la gaadhey,inta lagu Mashquulsan yahay wax aanu xiiseynin hase ahaate dad kale u arkaan horumar wuxuu markasta ku celcelin doonaa in weli wax dhiman yihiin.si guud markaad u eegto Shaqooyinkii wadanka laga qabtey ama lagu guuleystey intii xukumadani heysey waxa ku Jira Mashruucyo badan oo Dawli ah ama arimaha bulshada ah oo la sameeyey ama la dhameystirey.

Inkasta oo aad haddaba dareemeyso dhaqdhaqaaqyo xoogan oo horumarka dawliga ah,haddana Dadka bulshadu ma dareensan ama ma oga umana heystaan in wax la qabtey.Yaa haddaba dadkeena ka dhaadhicin kara una sheegi kara waxa dawladu u qabatey.Dadkeenu si fudud ayey u qaataan dhaliisha ama beenaha una rumeeyaan,laakiin waxa ku adag in ay fahmaan oo ay qaataan kuna faanaan horumarka wadanku gaadhey markii xukumadani talada kala wareegtay UDUB.Kulmiyena waxa weli ka qasan Qorshihii uu dadka kaga dhaadhicin lahaa wuxuu qabtey oo waxa ay siyaasiidiisi u eekaatey mid is dhex yaac iyo Protocol la,aan ah arintaasi oo sababtey in xitaa aan ururku awood u laheyn in ay bulshada xilka ay u hayaan u soo bandhigaan Qorshaha Waxqabadkooda si loola qaato.

Dadkeena Dawladnimadu waa ku Dhibaato,Dhibta dawladnimada Ayey sheegaan in berigii horena ay soo gaadhey oo may arag dawlad ay si wanaagsan ugu hoos noolaadaan,Bulsho ahaana waxa aynu nahay dad xaga mucaaridnimadu shaqeyso ama dhaliishu.Si fudud ayuu qofku ku qaadanayaa cambaareynta ama dhaliisha dawlada ugana sheekeynayaa,hase ahaate wixii wanaagsan ee ay qabato sida lagu rumeeyo ayaa inagu adag.Dad badan oo bulshadeena ah Ayaad moodaa in ay dagaal kula Jiraan dawladani yar ee ilaahay ugu badalay tii hore ee taliskii xukumadii ay dagaalka kala hortageen iyaga oo taagan in aaney Jirin Dawlad rasmi ah oo wadanka ka saari karta mashaakilaadkan ku furan.Dadkeenu ma dantooda ayey mucaarid u yihiin ama muxaafid,Mise ilaalinta danta guud ee bulshada ayey mucaarid u yihiin ama muxaafid.Kii shalay mucaaridka ahaa Ayaa muxaafid ah oo dantiisa,xilka uu ku mushahar qaato iwm eeganaya.Kii shalay Muxaafidka ahaa Ayaa markii ururkiisii ama dhaqaalihii ka kala burbureen bulshada kula dhex wareegaya wadankii Rag baa meel daran ku sii wada.

Waxaan ku Jira dadka inta badan siyaasada isaga aamusey ama aan qoraalo ku soo dhexgelin,Waxaanan uga jeestay arintaasi dadkii oo aanad garaneynin cida uu ku mucaarid yahay ama muxaafidka u yahay iyo iyada oo wax kasta dano iyo arimo shakhsi lagu wada lifaaqey.Siyaasadna aabe ma leh mar haddii sida looga hadlaayo,dhaliisheeda ama falanqeynteedu noqoto mid ku saleysan Qabiil, tartan,xulafeysi iyo Mucaaridnimo lagu sii naaxiyo.Dabshid Ayey inagu noqotey.Waxaana bulshadeena ka soo dhex baxey dad xitaa haddii Waddada gurigiisa hormarta loo dhiso,biyo loo soo geliyo,dabka iyo korontada loo keeno,caruurtana dugsiga bilaash loogu dhigo ku odhanaaya dawladu maxey qabataa.Waxa bulshada ka soo dhex baxey dad aan maqli karinba Wax wanaagsan ayey dawladu qabatey.laakiin ku raaxeysanaya wixii xun ee la sheego ama ay ku talaabsato.

Madaxda Siyaasadaa inta badan jecel in ay joogaan Munaasibadaha daah furka shaqo,Dhismayaasha xadhiga laga jaro,Taalooyinka iyo Kulanada lagu dhagax dhigo mashruucyada la bilaabayo.Siyaasiyiin badan Ayaa ka soo muuqda xafladaha dabaaldega si ay dadka u tusaan horumarka ama ka soo qeybgala shirar aan iyaga quseynin oo lagaga hadlaayo arimo kale oo wadanka dani ugu jrito.Siyaasigu inta badan wuxuu jecel yahay in la amaano,Wixii wanaagsan ee uu qabteyna la sheego,Dadkuna ay markasta isaga u codeeyaan.Wuxuu jecel yahay in Masuuliyad la saaro,haddana laga yareeyo in lala xisaabtamo.madaxdu waxey jecel yihiin in la soo dhaweeyo,wixii ay qabtaana laga marag kaco ama loo qiro.Dhaliisha ama canaanta wey u kala adkeysi badan yihiin.

inta badan sacabka Dadka u tumaya ayey jecelyihiin.Tageerada iyo soo dhaweynta Qabiilkooda wey ku kala duwan yihiin,Qaar baase ku talaxtagey Reernimo.hiilka fikirkooda ama shaqadooda ama ururkooda la siiyo ayaa dhiirigelin u ah.wey neceb yihiin in la mucaarido ama laga soo horjeedsado.waxey jecel yihiin in had iyo jeer lagu arko meelaha lagu soo bandhigaayo wixii waxqabad ah ee la fuliyey ama dhagax dhig ama sidoo kale meel xadhiga laga jaraayo oo la dhameeyey.

Qaarkood is muuji iyo ha ka maqnaanin sidii ay isku Lahaayeen ayey xitaa wakhtigooda ku soo lumiyaan xaflado ama munaasibado kale oo aan dani ugu Jirin kana dib dhiga shaqadii loo igmadey.Meelo badan oo la furo sida wadooyinka,Dhismayaasha cusub ee farta laga qaatey ama la dayactiro iwm Ayey  Maqas la hortagaan iyada oo saxaafaduna garab yaaceyso.aasaska ama tacsida iyo geerida dadka madaxda ah ayey isugu wada habar wacdaan si looga wada dhex arko iyaga oo jooga.ka muuqo,ka hadal,ha ka maqnaan Ayaa siyaasiyiin badan maskaxdooda degtay oo ay u arkaan in loogu daraayo waxqabadkooda.

Isku soo wada duub,xukumadani Waxa ay qabatey Ayaa jira oo UDUB laga waayey,laakiin waa in ay dadka ugu soo bandhigtaa nidaam dawladeed oo aan is dhexyaac laheyn dadkana ka dhaadhicisaa wixii ay qabatey.Bulshaduna Fikirkan Mucaaridnimada ah ee degay ee xitaa wixii loo qabtey ay ka been sheegayaan ama ku rumeyn laayihiin ha badasho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories