HomeDhismaha Wasaaraddii labaad oo Kharashkeeda looga qoondeeyey Miisaaniyadda oo la dhagax-dhigay

Dhismaha Wasaaraddii labaad oo Kharashkeeda looga qoondeeyey Miisaaniyadda oo la dhagax-dhigay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa dhagax-dhigtay dhismaha Wasaaraddii labaad oo kharaska dhismaheeda laga bixinayo Miisaanadiyadda Qaranka ee sannadkan.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal oo ay weheliyeen Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo wasiirka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Abiib Diiriye Nuur, ayaa maanta si wada-jir ah u dhagax-dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Dhismahan oo maalgelinteeda ay xukuumaddu bixinayso isla markaana laga dhisayo xarunta Wasaaraddii hore ee Hidaha iyo dhaqanke ee ka soo horjeedka wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa ka koobnaan doonaa dhisme hal dabaq ah, waxaana munaasibad loo sameeyey dhagax-dhiggeeda hadallo ka jeediyey Wasiirrada Maaliyadda iyo Ciyaaraha.

Digital StillCameraWasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in dhismaha wasaaradaasi ahmiyad wayn ugu fadhido qaranka iyo umaddaba, waxaanu yidhi, “Maanta waxa inoo farxad ah in aynu dhagax dhigayno wasaaradi Cayaraha iyo Dalxiiska oo wasiirki Maliyadda iyo Wasiirki Warfafintuna ay nagala soo qayb galeen iyada oo ay tahay wasaarad ahmiyad badan u leh xukumada iyo madaxweyna Somaliland, iyada oo ah meel umadda  laf dhabar u ah, qaranka Somaliland lafdhabar u ah oo ay ka sal tahay sidaa wasiirki Maaliyadda iyo wasiirki Warfaafintu ay u tagan yihiin.

Munasibaddan dhagax dhigeeda waa mid ku qaali ah dhalinyartii Somaliland oo loo dhisayo wasaarad ballaadhan oo dhismaheedu ka kooban yahay hal dabaq oo ka kooban dhowr iyo toban xafiis oo anaguna aanu jecelnahay inay maalin dhow dhammaan doonto, taasi oo uu go’aamiyay madaxweynaha Somaliland in la dhiso, wasiirka wasaaradda Maaliyaduna uu ballan qaday in uu si deg-deg ah uu dhamaystiri doono.”

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay inay wasaaradani tahay mid ay ku hamiyayeen in mar uun wax loo qabto, waxaanu sheegay inaanay markii hore ku derin miisaaniyadda Qaranka ee sannadkan, balse sababo lagama maarmi-waa ah awgeed ay wasaaraddiisu u suurto-galisay inay daboosho kharashka dhismaha, waxaanu yidhi wasiirka oo arrimahan ka hadlaya, “Run ahayn tii waa wasaarad halbowle ah, waa wasarad aad iyo aad muhiim u ah. Waxaan xusay  wasaraadda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku inay ahayd wasaaradaha aanu aad ugu hamiyaynay in wax loo qabto. Nasiib-daro bajadkii sannadka marki aanu dejinaynay dhismaha wasaaraddu  muu galin runti oo bajadka oo cidhidhi nagu ahaa awgeed noomay suuragalin in la galiyo, laakin markaanu ogaanay in aan laga marmaynin, wasaaradda maaliyaddu waxay suurta galisay in wasaaradda dhismaheega si deg-deg ah loo bilaabo, anaga balan-qaadnay tii oo aanu la tashanay madaxweynaha, wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska. Ahmiyadda ay wasaaraddu leedahay iyo wasaaradda oo haba yaratee aan lahayn meel ay gasho oo u muuqatay wasaarad laga haajiray, waxanu go’aansanay  qaran ahaan in ayna wasaaraddaasi sidaa sii ahaaynanin, dababdeedna tallaabada koowaad ee aanu qaadnay bilowga sannadku waxay noqotay in aanu dhismihi wasaaraddaasi geed gaaban iyo mid dheerba loo fuulo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories