HomeDhismaha Waddo isku Xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo maanta la bilaabay

Dhismaha Waddo isku Xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo maanta la bilaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xaflad lagu shaacinayo bilowga Dhismaha Waddada Cad oo ah mid isku xidhi doonto Magaalooyinka Hargaysa iyo Salaxley ayaa maanta lagu qabtay goobta la filayo in laga bilaabo waddadan oo ku taala duleedka Koofureed ee magaalada Hargaysa.

blankXafladan lagu shaaciyey bilowga waddada isku xidhi doonta magaalooyinka Hargaysa iyo Salaxlay oo dhan 57Km , ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Maayirada Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco , Xildhibaano , Qurbo Joog, Cuqaal, Guddida Dhismaha Wadan, Haween iyo Dadweyne aad u tiro badan .

Ugu horeyn Guddoomiye ku xiggeenka Guddida Mashruuca dhismaha wadada cad Sheekh Maxamed Cali Geedi oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa  sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta arko in si rasmiya loo bilaabay dib u dhiska wadada cad  oo uu sheegay in tahay wadadii ugu horeysay ee uu dhisay talyaanigu muddo haatan laga joogo dhowr iyo toban sanno,waxaanu xusay inay ku rajo weyn yihiin in 13km ay si dhakhso ah ku dhamaadaan,isagoo intaas raaciyay in Mashruucan oo ku kacaya afar bilyan iyo laba boqol oo kun oo dollar.

Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu ka codsaday dadka ka soo jeeda deegaanka Salaxley iyo cid kasta oo jecel in ay wax ku darsato wadadan in ay deg deg u soo gudbiyaan .

blankWaxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin(c/raxmaan Dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ee Somaliland isla Markaana ka tirsan Guddida Dib U dhiska Wadadan waxaana uu sheegay in wajigani uu yahay wajigii labaad ee wadada, kaas oo ku saabsan sidii loo shaaci lahaa bilowga wadan, isla markaana loo guddoomi lahaa deeq lacag ah oo ay iska soo ururiyeen haweenka ka soo jeeda deegaanka wadadan laga dhisayo  ee dagan hargaysa .

Xil: C/raxmaan Dheere waxa kale oo uu tilmaamay in wadan loo qorsheeyey ina ay marto saddex marxaladood  oo kala duwan, isagoo gabagabadiina xusay in waddooyinku ay yihiin bilowga horumarka .

Maayirka Caasimada Hargaysa Eng: Xusseen Maxamuud Jiciir  oo halkaasi  ka hadlay ayaa waxa uu sheegay ka dawlad hoose ahaan intii taagtooda ah ay ka  qaadan doonaan wadadan, isagoo geesta kalena u soo jeediyey qurbo jooga u dhashay deegaanka salaxley in ay si hufan uga qayb-qaataan dhismaha wadadan .

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in ay wadadani ay tahay mid ay wada leeyihiin shacabka Somaliland Mustaqbalkana ay noqon doonto mid ka qayb-qaadata  Ganacsiga iyo Isku xidhka dalka .

Marwo  Faadumo Shaacib oo ku hadlaysay  afka Haweenka ka soo jeeda deegaanka Salaxley ee ku nool magaalada hargaysa ayaa sheegtay in qurbo jooga iyo dadka u dhashay deegaanka ay wadadani marayso ay ka qayb-qaataan sidii ay wadadani u hir gali lahayd iyadoo gabagabdiina Guddida dib u dhiska wadada cad ku wareejisay lacag dhan laba iyo siddeetan kun oo dollar,oo ay haween ahaan ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan wadadan, iyadoo geesta kale intaasi raacisay in aanay deeqdan lacageed ee ay ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan wadadan aanay noqon doonin tii ugu danbaysay .

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah qurbo jooga ka soo jeeda deegaanka salaxley ee ku nool wadamada Norwey iyo Ingiriiska , Marwo Caasha Cumar Ileeye iyo marti sharaf kale waxaana ay dhamaantoodba ay hoosta ka xariiqeen qiimaha ay leedahay wadadani iyo sida ay u mudan tahay in looga qayb-qaato .

Gabagabadii Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Wadada isku xidhaysa Hargaysa iyo Salaxley ku wareejiyey lacag gaadhay labaatan kun oo dollar(20,000$) oo ay dawlada hoose ee magaalada hargaysa kaga qayb qaadanayso wadadan .

Munaasibadaasi lagu shaacinayey bilowga dhismaha wadada cad waxa shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey dadkii ka qayb-qaatay dhismaha wajiga hore ee waddadan.

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories