HomeDhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (6): Xabiib Buu...

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (6): Xabiib Buu Raqiiba: Xidhiidh Jacayl Oo 18 Sano Qarsoodi Ahaa Iyo Abaal La’aantii Uu Ku Furay Afadii La Kifaaxday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qoraaga reer Masar ee Sayid Cabdalqaadir ayaa buuggiisa “Zucamaa’ wa Cushaaq” oo uu kaga waramayo qisaska jacayl iyo guurka nolosha hoggaamiyeyaal iyo boqorro ka taliya ama soo maray dalalka Bariga dhexe waxa uu kaga hadlayaa dhowr qiso oo xiise gaar ah u yeeshay barnaamijka Googooska Geeska oo afsoomaali u rogay. Qoraagu waxa uu buuggiisan ku soo gudbinayaa qisas jacayl iyo khiyaamooyin dumar oo ay ku kaceen hoggaamiyeyaal dunida ka caan ah ama xaasaskoodu, isaga oo soo xiganaya siyaasiyiin, warfidiyeenno iyo waayeel kale oo xog-ogaal ah.

Xabiib Buu-Raqaiiba oo ah madaxweynihii koowaad ee dalka Tuunisiya, taladana hayey 30 sano oo u dhexeeyey 1957kii illaa 1987kii, xilli uu ku noolaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxa uu jeclaaday haweenayd da’ ahaan aad uga weynayd oo Faransiis ahayd. In kasta oo dad badani ka shaki geliyaan jacaylkii Buu-Raqiiba kuna duraan in uu ka ahaa uun xeelad uu doonayey in uu ku dhaafo qurbaha uu ku noolaa. Buu Raqiiba gabadhan gurigeeda Paris ayaa uu kula noolaaday, ka hor intii aanay dib ugu soo wada guurin dalka Tuuniisiya. Hawenaydan oo lagu magacaabi jiray Mathilde Lorrain waxa uu Xabiib Buu Raqiiba kala shaqeeyey in ay la baxdo magac cusub oo ahaa Mufiidah Buu Raqiibah.

Buu Raqiibah waxa ay Mufiidah is barteen sannadkii 1925kii, oo uu arday ka ahaa Faransiiska, iyaduna xilligaas waxa ay ahayd carmal uu odaygeedii oo Kornayl Mlateri ahaa uu ka dhintay. Mufiidah waxa ay Buu Raqiibah u dhashay wiilka keliya ee uu dhalayba, laakiin wiilkaasna waxa uu dhalay iyaga oo aan weli is guursan Mufiidah oo guurka waa uu ka horreeyey.

Markii ay Buu-Raqiiba iyo afadiisa Mufiidah ku soo noqdeen Tuusniisiya waxa uu isagu durbadiiba galay siyaasadda oo uu ka qayb galay halgankii silmiga ahaa ee gobonnimo doonka. Mufiidah oo ahayd gabadh karti badan oo sharciga baratay, rafaad iyo nolol adag ayaa ay u samirtay nolol kelideed ku soo baxsatay kadib markii Buu Raqiibah uu ka bixi waayey xabsi iyo in dalka laga mustaafuriyo. Xorriyaddii kadib Mathilde Lorrain diinta Islaamka ayaa ay qaadatay, magaceedana waxa ay u beddeshay Mufiidah.

kadibna waxa ay dib ugu soo wada noqdeen Tuunisiya isaga oo markaas sita shahaadada sare Doctorate. Buu Raqiiba markii uu xiddigiisu soo shaac baxay waxaa durbadiiba la kowsaday in uu shiikho jacaylkii uu hore ugu muujisanayey Mathilde Lorrain oo ah xaaskiisa Faransiiska ahayd.

In kasta oo uu Xabiib Buu Raqiiba lahaa xaas abaal badan ku leh, haddana tan iyo sannadkii 1943kii waxa uu xidhiidh qarsoodi ah la lahaa haweenay lagu magacaabo Wasiilah Bin Cammaar, oo iyada qudheeduna khiyaamayn jirtay saygeeda. Aakhhirkiina Wasiilah waxa ay iska furtay saygeedii halka isna uu sannadkii 1961kii furay xaaskiisii abaalka ku lahayd si uu u guursado Wasiilah, kadib 18 sano oo uu xidhiidh qarsoodi ah oo xaaraan ahi ka dhexeeyey. Wasiilah waxa ay caan ku noqotay in talada dalka Tuuniisiya ay si dadban gacanta ugu dhigto kadib markii Buu Raqiibah talaxgabay gabow awgii. Golaha wasiirrada iyada ayaa qayb ka mid ah soo magacaabi jirtay oo raysalwasaaraha u gudbin jirtay, marka ay doontana raysalwasaaraha dalka beddeli jirtay iyada oo adeegsanaysa saxeexa madaxweynaha dhul yaalka noqday.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories